“Sarkaalka Hawsha Qaran Ku Jiray Waxa Dishay Gacan Ka Xaq Daran Oo Dambiile Ah Waxaana Uu U Dhintay Qaranka Somaliland”

0
439

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa wacad ku maray in gacan bir ah lagu soo qaban doono dablaydii gaysatay dilka taliyihii qeybta booliska ee gobalka Saaxil Marxuum Gaaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud.
Wasiir Warancade oo shalay shir jaraaid ku qabtay xarunta wasaarada arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in aanay cidna ka ogolaan doonin in ay fad-qalalo ka abuurto dalka, waxaana uu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay ka xun yihiin dilkaa waxshnimada ah ee lagu dilay taliyihii  qeybta booliska ee gobolka Saaxil.
“Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo arrintii ka dhacday gobalka Saaxil, tuulada Biyoolay oo warbaahinta qaarkood siyaabo kala duwanay  u dhigeen,  marxuumkii  hawsha qaran ku jiray ee sarkaalka ciidanka booliska ahaa waxa dishay gacan ka xaq  daran oo danbiile ah, waxaana uu ka dhintay qaranka Somaliland isagoo hawshiisa gudanaya. Arrintan oo kale horana way u dhacday, dibna way u dhici doontaa, qaar badan oo u dhinta ummaddan masiirkeeda iyo nabad-gelyadeeda, danbiilayaasha danbigaa galayna waxa ay u taalaa qaranka Somaliland oo ka masuula, gacan birana waan ku qabanaynaa cidii ka danbaysay iyo ciddii ku taakulaysay falkaa,”ayuu yidhi Wasiir Cali Waran-cadde.
Mudane Cali Warancadde waxa kale oo uu intaas ku daray  “Bulshada Somaliland dawlada iyo qaran xoog leh ayay dhisteen ciidamo amniga sugaya  ayay dhisteen, dawlad ayaynu nahay  maj oogno wakhtigii qabiilka iyo tolaayeeyda,  waxaan nin walba u sheegaynaa in arrintaa masuuliyadeeda ay leedahay dawladda Somaliland gacantana ku dhigi doono ciddii ka dambaysay abaalkeedana la marin doono iyaga iyo kuwa dambe ee isku dayi doona in ay dalkan fad-qalalo iyo rabshad ka ridaan ama cadow shisheeye soo adeegsado, waxaan balan ku qaadaynaa in siday ahayd aan wax uga qabano sarkaakaasina waxa uu ka dhintay qaranka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply