Badhasaab Ramaax Oo Ka Dayriyay Abaarta Ku Laxaadsatay Gobolka Awdal

0
370

Boorame(Dawan):- Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay  in xaaladda abaarta ka taagan deegaamada gobolku ay  ka sii darayso maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaanu tilmaamay in xooluhu ay aad u le’anayaan.
 
“Waxa deegaamada Gobolka Awdal haysa abaar ba’an oo aad u dabo dheeraatay oo aad moodo inaanu gobollada Somaliland kaga duwan nahay,  sida Hargeysa  iyo Gabiley. Gobolka Salel abaarta kulul wuu nala qabaa. Roobabkii gu’gii hore gobolka Awdal roob badani nama helin. Gobolka Awdal  intiisa badan biyo wuu leeyahay. Deegaamo biyihii ka go’een oo aanu is nidhi biyo gaadh  siiyana way jiraan. Toddobaadkan waxaanu dhaaminay  illaa siddeetan booyadood oo biyo ah oo aanu bulshadda biyaha u baahan gaadh siinay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.
Badhasaab Ramaax waxa uu sheegay in gobolka Awdal inta badan lagu dhaqdo xoolaha oo uu tilmaamay inay abaaraha aad ugu nugul yihiin.
“Xaalad aad u adag oo abaareed ayaa ka taagan gobolkan, Awdal waxa uu  iskugu jiraa xeeb, guban, oogo iyo dhul buuraley ah. Xooluhu aad ayay u le’deen tusaale ahaan qoyskii boqol neef oo lo’ ah  haystay waxa u hadhay labaatan ama toban. Sidoo kale gobolku waxa uu ku tiirsanaa xaga waxsoosaarka beeraha markaa sannadkan iyo kii hore midna waxba noomay bixin roob la’aanta awgeed maadaama oo beerahayagu ay beer roobaad u badnaayeen,”ayuu yidhi Badhasaabka oo xalay u warramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
Mr. Ramaax waxa uu intaas ku daray inay illaa 40  barkadood oo cusub u sameeyeen bulshadda abaaruhu hayaan, maadaama aanay  xooluhu gaadhi karin ceelashii ay hore uga cabi jireen tamar darro darteed.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply