Jaamacad ku taala wadanka Ruushka oo lagu magcaabo Messi Technology of Russia ayaa ku guulaysatay inay soo saarto battery noociisu ka samaysan yahay Nuclear,kaas oo in muddo ah ay khubaradaasi wadeen,waxaanu soo maray siday khubaradaasi sheegeen marxalado kala duwan oo tijaabooyin ah,iyada oo la filaayo in la mariyo kuwo kale.
battery-gan ayaa ka samaysan walaxda loo yaqaano Nickel Isotopes-63,waxaana loo isticmaali karaa Beytarigan siyaalo kala duwan ,gaar ahaana dhinaca laydhka oo laga dhalin karo .
khubarada samaysay beytarigan ayaa sheegay in sababta ay ugu dareen walaxda laga sameeyey ee Uranium-ta ah walaxda kale ee Nickel tahay iyada oo dhinaca nolosha ka cimri dheer,waxaanay tamarteeda hayn kartaa muddo 100 sanno ah oo aanay dhimanayn ama isbedelayn.
madaxa culimada soo saartay beytariygan oo lagu magcaabo Lina Kournikova oo u waramaysay wargeyska Daily Mail oo uu kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in beytarigan ay hore uga codsadeen dad badani in lasoo saaro,kadib markii ay soo bandhigeen qaabkiisa iyo fikirkiisa,waxaanay intaasi ku dartay in tamarta ku kaydsan loo isticmaali karo hadba sida loogu baahdo,iyada oo la dhimi karo lana kordhin karo.
Lina ayaa sheegtay inay dhowaan suuqyada soo gelin doonaan Beytariyadaasi ,kuwaas oo iib ahaan loo soo bandhigi doono,waxaana lagu horeysiin doonaa siday sheegtay Saynisyahanadaasi shirkaddaha waaweyn.