Hargeysa(Dawan)-Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ciidanka Booliska iyo madaxdooda ku bogaadiyay hawlgalka ay gacanta ku soo dhigeen habeen hore kooxda lagu eedeynayo inay dileen Taliyihii qeybta booliska Saaxil ALLE ha u naxariistee Marxuum-Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr).
“Waxaan halkan ka bogaadinayaa ciidammadda Booliska Somaliland iyo Taliyahooda Cabdilaahi Fadal Iimaan oo had iyo jeer dedaal iyo heegan joogto ah ugu jira sugida nabad-gelyadda Somaliland. waxaan ciidanka booliska iyo dhammaanba ciidammadda qalabka sida ku ammaanayaa siday ugu guulaysteen oo ay u soo qabteen kooxdii dishay Taliye Casayr oo aan I ILAAHAY uga baryayo inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii, ciidankii booliska iyo ummadda Somaliland ee uu u shaqeynayay-ba samir iyo iimaan ka siiyo,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo xalay u warramay DAWAN.
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Falkii lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Saaxil waxa uu ahaa nabar meel halis ah kaga dhacay Somaliland, waxase aan si kal iyo laab ah u hambalyaynayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo ciidankiisa oo soo afjaray in dilka sarkaalkaasi fidmo beeleed ka dhaliyo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. waxaan leeyahay ciidammadda booliska, qaranka, badda iyo dhammaan noocyada ciidammadda qalabka sida oo dhan aan xushmayno oo dadweynuhu ha karaameeyaan. Waayo waa nasiib darro haddii nin askari ah oo bulshadda u adeegayo ay dilaan dadkii uu ilaalinayay.”
Dawannews Hargeysa office