Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Eng. Axmed Warsame Siciid

0
314

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa  shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Marxuum-Eng.Axmed Warsame Siciid, oo xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacdi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday Hargeysa 06.03.2016. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday door muhiima ka soo qaatay dib u dhiska dalka, kana mid ahaa Ganacsatada dalka maalgashatay, ee aqoontooda iyo muruqoodaba uga  faa’iideeyey.Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
 
Sidoo kalena, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna tacsi tan la mid ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum-Axmed Warsane Siciid, waxaanu dhambaalka tacsida ee Guddoomiyaha KULMIYE u qornayd sidan:-
“Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda aqoonyahanka iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuun Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/03/2016. Marxuum Axmed Warsame Siciid waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka cilmigooda baahida weyn Somaliland oo uu horena wax badan uga faa’iideeyey bilicda dhismayaasha magaalooyinka iyo waddooyinka Somaliland.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa ku tilmaamay in Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo lahaa hal-abuurnimo qoto dheer iyo aragti fog, waxaannu Marxuunka Alle uga baryeyaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo qoyska, qaraabada, bahda aqoonta iyo guud ahaan shacabka Somaliland. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply