Dalka Giriiga waxaa ku xayiran kumanaan qaxooti ah oo doonaya inay dalkaasi ka tagaan.
Dadkan doonaya inay Giriiga ka baxaan waxaa ugu badan qaxootiga Suuriya iyo Ciraaq.
Wadamada dariska la ah Giriiga ayaa gabi ahaanba joojiyay qulqulka qaxootiga.
Wadamada qaar waxay doonayaan inay xuduuda ka dhisaan darbi ay isaga celinayaan qaxootiga.
Soomali badan ayaa ka mid ah qaxootiga ku xayiran dalka Giriiga oo ka mid ah qaxootigan xaniban.
Giriiga Horay ayuu u sheegayin aanu qaabili karin qaxootigan tirada badan.
Sidoo kale wadamada Yurub ayaa walwal weyn ka muujinaya qulqulkan qaxootiga sii badanaya.