Xildhibaanno Ka Soo Jeeda Bariga Sanaag Oo Si Adag Uga Hadlay Dooni Lagu Gubay Berbera

0
305

Hargeysa (Dawan)- Labada xildhibaan ee Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo  Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda Somalialnd, ayaa si adag uga hadlay markab ay sheegeen habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay lagu gubay xeebta dekadda Berbera.
Xildhibaanadan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha wkaiiladda ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in aanu wax gurmad ah maamulka dekeda Berbera ka samayn markabkaa la gubay. Waxaana ay tilmaameen  in markabka ay dab qabadsiiyeen dad ka cadhaysnaa war lagu sheegay in la  dilay saddex ka mid ah dableydii loo soo qabtay dilka taliyihii qeybta booliska ee gobolka Saaxil, taas oo beenowday markii dambe.
 
“Waxa dhacday arrin dabo socotay taliyihii la dilay ee gobolka Saaxil, habeenimadii la soo qabtay dableydii dishay taliyaha oo la keenay Berbera habeennimadaas, oo shacabka Berberi gadood ka  sameeyeen saqdii dhexe iyadoo lagu yidhi maxaabiistii ayaa la dilay, waxa ay ku dhaqaaqeen in ay weerar ku bilaabeen meherado ku yaala magaalada oo ay jajabiyeen, nasiib wanaag ciidanka booliska ayaa ka hawl galay waana la kala eryay dadkaas, hawshaas oo halkaas maraysa ayaa waxa kala  oo dhacday in doon weyn oo 400 oo tan ah oo xeebta taala oo shaqo ku socotay  lagu  gubay, kacdoon kaas ayaanay dhex raacday doontaasi illaa waabarigii ayay gubanaysay, wax gurmad ah oo dekadu ka samaysay haba yaraatee ma jirto,”ayuu yidhi Xildhibaan Bulqaas, waxa kale oo uu intaas ku daray “Doontaasi sidaas ayay  ku shuf beeshay, waa hanti nin ganacsada ahi leeyahay oo ka soo jeeda deegaanka Laasqoray oo Cali Ducaale la yidhaahdo.
Sidaa darteed waxa aan ka codsanaynaa xukuumadda iyo maamulka dekada Berbera in dakadaa doontaas gubay ay ku darsadaan khasaarihii ka dhacay magaalada Berbera, doontaasi waxa ay ku maqan tahay  deegaanka Berbera .  sidaa darteed waxa aan ka codsanaynaa xukuumadda iyo dekeda inay ka jawaabto hawshaas oo aanu uga fadhino.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa isaguna  waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in ay xukuumada iyo maamulka dekada Berbera ay iska xil saaraan furdaaminta doontaas la gubay waxaana uu yidhi,  “Arrintan oo kale way dhacdaa, oo lama odhan karo maxay waxaasi u dhaceen, ee waxa muhiimadu tahay sida loo maamulay. kiiskaa Berbera markuu dhacay waa tii xukuumadu ku baxday ee la soo  dhammeeyay ee la soo qabtay nimankii dilka gaystay, hadana dhalinyarro gadooday ayaa waxa ay gubeen doon uu leeyahay Cali Ducaale, oo ah ganacsade reer Somaliland ah oo caan ah oo la wada yaqaan oo reer Laasqoray ah.”
“Waa in laga hawl-galo hadday tahay xukuumadda iyo maamulka dekeda Berbera, waa muhiimadda koowaad. dadku in ay dareenkooda muujiyaan dhib maaha, laakiin in ay hanti umaddeed iska gubaan  waa dhaqan xumo, waana wax aan la qaadan Karin oo aan la aqbali Karin, aad baanan uga xunahay shilkaa dhacay, mana aha in wax walba wax loo aaneeyo oo cagta la mariyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply