Xubnaha Jidhka Aadamiga Ee Suuqa Madow Lagu Kala Iibsado

0
304

Dalka Bangaaldheesh ayaa ah dal uu si xun u hayo dadka ku nool xanuunka Macaanku. Xanuunkan ayaa dadkan ku keena inay keliyuhu shaqada joojiyaan. Haddaba inkasta oo ay dawladdu mamnuuc ka dhigtay in la kala iibsado xubnaha jidhka dadka , haddana waxa suuqa madow saacad kasta lagula ka iibsadaa xubnaha kelyaha.
Arintan ayaa muujisay in dalkani yahay kan ugu badan ee lagu kala iibsado xubnaha aadamiga. Waxaana sabab u ah iyadoo dalkani uu yahay mid sabool ah. Gabadha Ara oo iyadu sheegtay inay kelideeda iibisay ayaa tidhi “ Markii uu xanuunsaday Odaygaygu ee aan bixin kari waayay waxbarashadii caruurtaydii ayaan iibiyay keliyahayga mid ka mid ah si aan caafimaadka ninkayga u bixiyo isla markaana aan caruurta waxbarashada uga bixiyo. Inkasta oo ay wakhtigan noqotay mid aan waxba qaadi Karin qaliinkii lagu sameeyay dhibaato u geystay.

Leave a Reply