Xukuumadda Somaliland Oo Ciidammadda Ku Bogaadisay Hawl-galkii Ay Ku Soo Qabteen Dableydii Dishay Taliyaha Booliska

0
314

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuradda Somaliland Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada qalabka sida  iyo  laamaha Amniga ee dalka, waxaanu ku amaanay hawl-galkii lagu soo qabtay dablaydii dishay taliyhii ciidanka booliska gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuuud  (Casayr).
Wasiir Cadaani, isaga oo ku hadlayay afka madaxweynaha Jamhuuradda Somaliland, sidoo kale waxa uu bogaadiyay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, Askarta, salaadiinta iyo shacabka ka qeyb qaatay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday gobollka Saaxil.
“Wasiirka daakhiliga Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqale, Taliyaha booliska sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, taliyaha Ciidamanka Xeebaha Sarreeyo Guuto Maxamed Faarax Xiirane, Taliyayaasha kale ee ciidamadda iyo askarta, waxaan ku bogaadinayaa sidiii dhakhsaha lahayd ee ay u soo afjareen shaqaaqaadii ka dhacday gobolka Saaxil,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Wasiirka warfaafintu  waxa kale oo uu intaa ku daray “Madaxweynaha Jamhuuradda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu ciidamada ku bogaadinayaa sidii xil kasnimada lahayd ee ay  u soo af-jareen, soo qabashada kooxdii dishay gaashaanle Cabdirisaaq  Yuusuf Maxamuud oo ahaa taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, ILLAAHAY naxariitii janno ha ka waraabiyee, oo 8 nin khamiistii  la qabtay saddexdii kalena Sabtidii la qabtay .”
Mudane Cismaan Saxardiid Caddaanni isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Madaxweynaha Jamhuuradda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa kale oo uu hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin u dirayaa Salaadiinta, madaxda gobolka iyo shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil, isaga oo ku bogaadinaya sidii ay ula shaqeeyeen ciidamada qaranka jamhuuriyadda Somalialnd.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply