Faransiiska: Xerada Dunkirk oo Dad laga Rarayo

0
350

Hay’ada gargaarka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay inay rartay in ka badan sagaal boqol oo dad magangalyo doon ah oo si sharci daro u deganaa dekada Faransiiska ee Dunkirk.
Dadka ayaa loo raray xeryo loogu tala galay.
Wariyaha BBC Dunkirk ayaa sheegay dadka badanaa ay u guurayaan xeryaha loogu talagalay, laakiin dadka qaar ayaa ka baqaya faragalin dowladda hadii ay u guuraan xeryaha cusub.
Xerada MSF ayaa leh guryo alwaax, musqulo, adeegyo caafimaad iyo cunto.
 

Leave a Reply