Guddoomiyaha Badhan Oo Xadhiga Ka Jaray Riig Biyoodkii Ugu Horreeyay Oo Xukuumaddu Ka Hir-gelisay Hadaaftimo

0
276

Hadaaftimo(Dawan):  Xukuumadda Somaliland  ayaa Riig biyood ka hirgelisay  degmadda Hadaaftiom   ee Gobolka Badhan, kaasi oo noqonaya  Riig biyoodkii ugu horreeyay ee ay magaaladaasi yeelato iyadoo uu  shalay   xadhiga ka  jaray guddoomiyaha degmadaasi.
 
Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud Wahaabi oo shalay   Xadhiga ka jaray Riiga laga hir galiyay magaalada Hadaaftimo, ayaa sheegay in Xuumadda   uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed  Siilaanyo  ay waxyaabo badan ka qatabay arrimaha bulshada ee gobolka Badhan isla markaana Riig biyoodka laga hir galiyay Hadaaftimo ay  ka mid tahay wax qabadka Xukuumadda ee gobolka Badhan.
Cabdixakiin Axmed Maxamuud Wahaabi,  oo  xalay telefoonka ugu waramay  Wargeyska DAWAN isagoo ku sugan magaalada Badhan  waxaa  uu Xukuumadda Somaliland uga mahad naqay Riig biyoodka ay   ka hir galisay Magaalada Hadaaftimo oo taariikhda markii ugu horraysay riig biyood laga cabo yeelatay. Waxa  kale oo uu ka hadlay taakulada Abaaraha ee ay Xukuumaddu gaadhsiisay degaanada gobolka Badhan.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxay gobolka ka hir galisay wax qabadyo aad u badan oo la xidhiidha arrimaha bulshada waxyaabaha ugu weyna waxaa ka mid ah Riig biyoodka laga hir geliyay magaalada Hadaaftimo oo noqonaya kii ugu horreeyay ee degmada Hadaaftimo ay yeelato riigaas  oo ah mid dadka iyo xoolahaba ku filan isla markaana degaamo badan oo kale ay   ka cabbi karaan. Waxaa kale oo ay Xukuumaddu gobolka Badhan soo gaadhsiisay qaybtii hore ee Gurmadka abaaraha oo wax weyn  ka taray  baahidii ay abaartu sababtay.”
 
Guddoomiyaha gobolka Badhan oo ka hadlayay xaaladda  nabad gelyo ee  gobolka Badhan,  ayaa sheegay in gobolku nabad ku sugan yahay isla markaana aanay ka jirin wax dhibaato ahi. Waxaanu  intaa ku daray in sanadkan ay ugu jiraan qorshayaasha Xukuumadda in wax qabadyo kale oo badan laga hir galiyo deegaamada Gobolka Badhan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply