Dalka Afkhanistan qabiilo ku nool dhulka banaanka ah ee deegaanka Shahal Siin ayaa aaminsan in marka qoysku doonayo in ilmaha uurka ay hooyadu ku sido uu noqdo wiil ay buur goobtaasi ku taal ay korto islamarkaana ka soo daadegto 100 jeer, haddii ay doonayso inay gabadh ama inan dhashana ay iyadana 50 jeer marna korto , oo haddana ka soo daadegto. Waxaana intaasi u dheer in hooyadu ay inta badan sidaasi samayso iyadoo gurguranaysa.