KULMIYE Iyo WADDANI Oo Iska Difaacay Eedo Ka Dhan Ah Oo Loo Gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
302

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE ahna Musharaxa jagada Madaxweynaha ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed,ayaa ka hadlay dacwad uu ka  gudbiyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ku eedeeyay in ay ku gafeen anshaxa diiwaan-gelinta oo ay u bedaleen olole siyaasadeed.
Muuse Biixi iyo Axmed Muumin Seed  waxay labaduba sheegeen in aanay  marnaba ku xad gudbin axshaxa ololaha ee asxaabta qaranka ujeedada ugu wayn ee ay u socdeenna ay tahay in ay dadka deegaamada diiwaan gelintu ka socotay  ku baraarujiyaan in ay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha si mug leh uga qeyb qaataan,taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay hawl  qaran oo xil ka wada saaran yahay Xukuumadda,Guddiga Doorashooyinka iyo Asxaabta Qarankaba.
“Horta waxaan hambalyaynayaa oo aan  halkan ka bogaadinayaa dadwaynaha labada gobol ee Togdheer iyo Awdal ee ay  ka qabsoontay goboladooda diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha oo si weyn oo miisaan leh iskaga xil saaray waxaan leeyahay Hambalyo hambalyo.  waxa kale oo aanu halkan saaka (shalay) u nimi dacwad oo soo gudbiyay Guddoomiye Faysal oo uu sheegay in  lagu xad gudbay xeerkii anshaxa. AnnaguKUMIYE ahaan labadii gobol ee diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ka qabsoontay xil weyn ayaanu iska saarnay in ay dadku si miisaan leh oo mug weyn in ay isu diiwaan geliyaan oo ay diiwaan gelinta ugu soo baxaan taas ayaanu dadka kala hadlaynay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay  ayaa intaa ku daray. “Kelmadda Olole waa dad badan oo meel isugu tegay oo lala hadlayo ama wax loo sheegayo,annagu (KULMIYE)  haddaanu nahay waxaanu awoodda saarnay in aanu dadka meel walba ugu tagno oo aanu ku baraarujino in ay is diiwaan geliyaan. Umaanaan badheedhin wax anshaxa xisbiyada ku xadgudbaya Komishankuna waxayna yidhaahdeen dacwadaas ayaa timi,wixii nalagu yidhaahdo waxaasaad ku khaldanteenna waanu qaadanaynaa oo waanu saxaynaa,  imikana Guddiga Doorashooyinka ayaa laga sugayaa sida diiwaan gelinta loo wadayo waxay soo saaraanna waanu u hoggaansamaynaa. horrayso iyo dambaysaba waxaanu dadka u sheegaynaa in ay is diiwaan geliyaan waayo? Diiwaan galintu waa furaha doorashooyinka oo diiwaan gelintu haddii aanay innoo qabsoomin doorasho ma qabsoomayso. Markaa qaran ahaan waa waajib inna saaran in dadka la dhiiri geliyo oo ay xoog isu diiwaan geliyaan.”
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI  Axmed Muumin Seed oo kala sinnaa Guddoomiye Muuse hambalyada labada gobol ee ay diiwan gelintu ka qabsoontay waxaa kale oo uu dacwadda Guddoomiyaha UCID ka gudbiyay labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI uu ku tilmaamay mid ay keentay duruuf  lagaga dheereeyay xisbiga UCID.
 
“Labada gobol ee Awdal iyo Togdheer,baa ad ayaan ugu  hambalyaynaynaa sida qiimaha leh ee ay uga qeyb qaateen diiwaan gelinta codbixiyeyaasha,Diiwaan gelintuba waa arrin qaran oo Xukuumadda,Asxaabta qaranka iyo Guddiga doorashooyinkuba in ay ka wada qeyb qaataan ay waajib tahay oo ah dan qaran,Xisbiga UCID-na  labadayada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE waanu ka dheeraynay oo sidaas ayay dacwadda  u soo gudbiyeen ayaan u malaynayaa.waanu isla qaadanay ciddii khalad samaysa in ay guddiga Doorashiiyinka iyo cidda loo igmaday in ay go’aan ka gaadho,” Ayuu yidhi Guddoomiye  Axmed Muumin Seed.
 
Hadalka labada Gudoomiye ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu dacwad ka dhan ah KUMIYE iyo WADDANI u soo gudbiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe  oo labad Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ku eedeeyay in ay saaxadii diiwaan-gelinta ka dhigteen ololahooda hordhaca ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply