Shir Lagaga Hadlayay Dar-dar Gelinta Sahaminta Shiidaalka Oo Burco Ka Furmay

0
296

Burco (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng.  Xuseen Cabdi Ducaale,  ayaa daah furay shir hawleed lagaga  hadlayo dar-dar gelinta sahaminta iyo baadhista shiidaalka dalka si loo ogaado goobaha  uu ku jiro shiidalku   isla mrkaana loogu hawl geli lahaa sidii  loola soo bixi lahaa.
Shirkan oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta  goboladda Togdheer, Oodwayne iyo Saraar iyo sidoo kale  madax-dhaqameedka degaamadda Caynaba Oodwayne iyo Burco. Waxaana kulankaasi  lagaga dooday  baahidda loo qabo  in  wada jir looga wada qayb qaato sidii khayraadka dalka loo ogaan lahaa.
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta   oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyay, ayaa faah faahin ka bixiyay hawlaha  shiidaal  baadhista ee loo baahan yahay iyo ujeedada sahaminta loo samaynayo  oo ah  tallaabada ugu horraysa ee lagu ogaan karo in shiidaalka dalka ku jirro  iyo in kale.
 
Xuseen Cabdi Ducaale, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in la fahmo Sahaminta shiidaalku waxay tahay iyo ujeedada aynu ka leenahay oo ah in aynu ogaano halka shiidaal inoogu jiro,  taasoo  u baahan sahamin rasmi ah oo aynu dalka ka samayno.   Taasi oo  aanu  macnaheedu ahayn in aynu halka laga  sahaminayo shiidaal  ka soo saarayno imika, waxaad arkaysaa dad  durba foostooyin iska diyaarsanaya oo leh imisaan halkaa ka helayaa laakiin sahamintu ma aha in aynu hadda shiidaal soo saaraysno.  Laakiin  waxaynu u baahanahay in aynu ogaano halka shiidaal inoogu jiro si aynu ula soo bixi karno marka   aynu ogaano khayraadka dalka inoogu duugan”. Sidoo kale waxaa iyagna  kulankaasi  ka hadlay maayaradda magaalooyinka Burco, Oodwayne iyo Caynaba oo dhamaantood soo dhaweeyay sahaminta shiidaal baadhista isla markaana balan qaaday in ay degmooyin ahaan la shaqaynayaan sahamiyeyaasha Wasaaradda Macdantu soo diratay. Dhinaca kale Cuqaasha degmooyinka kor ku xusan ayaa balan qaaday in ay soo dhawaynayaan sahaminta shiidaal baadhista isla markaana tilmaamay in ay balan qaadayaan in aanay wax dhibaato ahi ka iman doonin degaamadda s ahaminta shiidaalka laga samaynayo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply