Khubaro ka socotay hay’addaha caafimaadka ee wadankaasi Maraykanka ayaa daraasad ay soo saameeyeen dhowaan oo ay soo saareen ku sheegay in isticmaalka Computer-ka ee dadka waaweyni uu ka badbaadiyo dadkaasi xanuuno khatar badan .
Xanuunada ay khubaradan Maraykanka ahi sheegeen ayaa waxa kamid ah xanuunka maskaxda ku dhaca ee loo yaqaano Dementia,kaas oo maskaxda ku keena isku yaac iyo khal khal badan,waxa kale oo uu maskaxda ku keenaa isku yaac fara badan iyada oo hadhowna si xun u dhaawacanta.
Culimadan ayaa sheegay in dadka oo markay gaadhaan da’ahaan 70 sanno bilaaba isticmaalka Koombiyuutarka ay keento inay xanuunkaasi ka badbaadaan,madaama oo xanuunkaasi u badan yahay dadka da’daas ah,sidoo kalena inta da’daas ka badan uu ku dhici karo.
Xanuunkan ayay sheegeen in qofku uu ka badbaadi karo 42%,madaama oo maskaxdu halkii ay iskaga mashquuli lahayd ay ku mashquulayso waxyaalahaasi Kombiyuutarku kamidka yahay.
Khubaradan caafimaad ayaa sidoo kale sheegay in qofka oo sameeya jimicsi badan ay keento inuu xanuunkan iyo xanuuno kaleba ka badbaado,kuwaas oo caadiyan dadka waaweyn soo food saara markay heerka da’da 70 soo gaadhaan.
Waxyaalaha kale ee la soo qaatay inay yareeyaan xanuunkan iyo kuwo kaleba ayaa waxa kami ah dadka oo akhriya Magazines ka oo kale ama wargeysyada,waxa kale oo ay sheegeen in akhriska wax la akhriyaa uu ka hortago xaunuunkaasi 30%.
Khubaradan ayaa sheegay in ay adag tahay inay dadka waaweyni isticmaalaan Koombiyuutarka marka loo eego dhalinyarada,laakiin waxay ku dhiirigeliyeen inay ku dedaalaan isticmaalkiisa oo nafta baraan.
Daraasadan ayaa intii lagu jiray waxa tusaale loo soo qaatay dad gaadhaaya ilaa 2000 oo qof,kuwaas oo mid kaliyi ka gaadhey da’da 70-ka.