Marka Ay dad badani Ooyaan Ayuu dakhligayagu Kordhaa!

0
330

Huteel aad uu yaab badan ayaa ku yaalla dalka Japan. Huteelkan ayaa lagu magacaaba huteelka oohinta Dumarka., waxaana uu leeyahay qol dumarka loogu talo galay inay ku baroortaan.
Maamulak huteelka ayaa sheegay in Huteelka Mitsui Garden Yotsuya ee Tokoyo uu leeyahay qol gaar u ah dumarka kaasi oo ay yaallaan filmo iyo muuqaalo sawiro ah oo wadanaha iyo dareenka gabadha wax ka bedelaya isla marakaan ka oohinaya. Wax kale oo uu sheegay in huteelku leeyahay koox iyaguna loogu talo galay inay dumarkaas qolkaasi galay ka nixiyaan. Waxaana huteelku siiya dumarka kiraysta waraaqo aad qiimahoodu u sareeyo oo ay iskaga biiyaan ilmada kuna daboolaan indhaha casaaday. Maamulaha huteelka ayaa sheegay in dakhligoodu ku xidhan yahay in la helo dad badan oo laga oohiyo.

Leave a Reply