Daraasad ay dhowaan soo saareen natiijadeeda khubaro ka socotay wadankaasi Ingiriiska ayaa lagu sheegay in wadamada qaarkood ay aqoonta qofku ku xidhan tahay sida uu u qurux badan yahay .
Khubaradan daraasada samaysay oo ka socotay jaamacadda St Andrews University ayaa lagu sheegay in ay jirto qaacido ay dadka qaarkood ka siman yihiin,taas oo ah mid keenta in qofkaasi ay isku xidhnaadaan quruxdiisa iyo heerkiisa aqooneed.
Kooxda cilmibaadhistan waday ayaa tijaabo ku samaysay kooxo dad ah ,kuwaas oo ay soo ururiyeen,waxaanay weydiinayeen heerka aqoonta iyo heerka quruxdu samaynta ay isku lee yihiin,waxaana su’aashaasi la weydiiyey ilaa 100 arday.
Ardaydan su’aasha la weydiiyey ayaa jawaabo kala duwan bixiyey ,iyaga oo sheegay in hadii qofku uu qurux badan yahay ay taasi u saamaxayso inuu dadka soo dhex galo,halka haddii aanu qurux badnayn oo takoor badan la kulmaayo,sidoo kalena uu moral jabaayo,taasina ay keeni karto inuu hoos u dhaco aqoon ahaan.
Khubaradan ayaa ardayda kula taliyey in ay khaldanaan karto fikirkani,iyaga oo sheegay in wixii daraasadan ka dambeeya ay samaynayaan wacyi gelin ay fikirkaasi ardaydu qabaan wadamadaasi Ingiriisku ka mid yahay lagu qaadi doono wacyi gelin.