Tartanka loogu Jiro Aqalka Cad oo sii Laxaadsaday

0
310

Senator-ka laga soo doorto gobolka Vermont ayaa guul la yaab leh ka soo hooyey doorashadii xisbiga dimoqraaidga ee gobolka Michigan, halka musharaxa Jamhuuriga ee Donald Trump uu sii ballaadhiyey hoggaankiisa, kadib markii uu ku guuleystay gobollada Michigan, Mississippi iyo Hawaii.
Codbixinno ra’yiga oo horey loo qaaday ayaa muujiyey in Hillary Clinton ay aad uga horreyso Bernie Sanders, hase yeeshee doorashadan u danbaysay  ayuu Bernie ku helay 50% codadka.
Si kastaba ha ahaatee, Clinton ayaa si fudud ugu guuleysatay doorashadii gobolka Mississippi, oo ay heshay in ka badan 80% codadka.
Sanders ayaa sheegay in guusha uu ka gaadhay doorashada Michigan ay muujineyso in “Kacdoonkiisa siyaasadeed” uu weli yahay mid ka xooggan meelo badan oo dalka ka mid ah.
Donald Trump ayaa isna u muuqda mid aysan waxba u dhimeyn weerarka dhinaca warbaahinta ah oo ay ku hayaan xubnaha Jamhuuriga ee aan dooneyn inuu ku soo baxo magacaabista xisbigooda.
Trump ayaa u mahad-celiyey kuwa weerarka ku haya, isaga oo sheegay in weerarka ay ku hayaan dartiis ay dad badan oo cadheysan isaga ugu codeynayaan.
“Caawa waxaa guuleystay hal qof oo kaliya, waa Donald Trump” ayuu yidhi Trump oo shir jaraa’id ku qabtay gobolka Florida.
 

Leave a Reply