“Abaartu Way Adag Tahay Sida Loo Sheegayana Ma Wada Aha Oo Dad u Dhintay Gaajo Maanu Arag”

0
289

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),ayaa ka waramay deeq raashin ay oo ay shalay u qeybiyeen laba kun oo qoys oo ku nool deegaamo kala duwan oo ka tirsan gobolka Awdal,waxaanu inta ku daray in ay laba kun oo  qoys oo  kalena in ay maanta oo Sabti ah u qeybinayaan.
Guddoomiye Ramaax, waxa kale oo uu sheegay inay cabasho ay ka qabaan diiwaan-gelintii Codbixiyeyaasha oo uu sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka qarankana u gudbiyeen oo ay warkooda gaadhsiiyeen,taasoo uu ku sheegay in ay tahay mid ay abaaruhu sababeen isla markaana ay codsan doonaan marka gugu curto ee gobolka uu helo Raxmaadka EEBBE in ay codsan doonaan in deegaamada miyiga ah   goobo diiwaan gelinta ah dib in loogu furo si ay isu diiwaan geliyaan  dad badan oo xilligan  abaarta awgeed ka maqan deegaanadooda oo ka hayaamay.
Guddoomiye Ramaax waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan Magaaladda Boorame, waxaanu u mahad celiyay kaalmadda ay dawladda Sucuudigu soo gaadh siisay Somaliland xilligan ay wadanka hayso abaarta kululi.
“Raashinka aanu maanta (shalay) qeybinay waxaanu u qeybinay lix deegaan oo ka tirsan gobolka Awdal waxaanan gaadhsiinay 1700 oo qoys oo ku kala nool deegaamada Tulli,Sheekh Nuur,Jaaraa Horato,Magaalo Cad,Geed Tiqsi iyo Gorayo-cawl.raashinka aanu qeybinayna wuxuu ka koobnaa Bariis,Sonkor Daqiiq,Timir iyo Sharaab,”ayuu yidhi Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
 
 
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay xaaladda Abaartu laxaadka ay leedahay iyo  xoolaha ku baxay, waxa uu yidhi “Abaartu way jirtaa oo abaar kulul ayaa deegaanka ka taagan oo si weyn dadka iyo  duunyadaba,laakiin sidan loo sheegayo maaha oo halkaa ma gaadhsiisna oo annagu maanu arag dad gaajo u dhintay,way jiraan xoolo badan oo dadka ka baxay iyo qaar jilicsaniba laakiin in aynu halista illaa halkaa gaadhsiino oo aynu nidhaahno dad ayaa gaajo u dhintay maaha oo aynu dadka ugu cabano,abaarta waxaa lagaga bixi karaa in aynu ALLE barino oo ILLAAHAY gacmaha hoos dhigano oo aynu roob doon oogno laakiin haddii abaarta jirta aynu ka sii badbadino oo aynu dad u cabano waa hubaal in ALLE innoogu cadhoonayo oo raxmaadku innaga raagayo.waxaa kale oo aan bulshadda u soo jeedinayaa marka ay kalmo inna soo gaadho ee la maqlo waxbaa la qeybinayaa waxaa ugu soo horeeya dadka  ladan oo safafka soo gala markaa kuwaana waxaan u soo jeedinayaa in ay walaalahooda ka jilicsan u daayaan oo qof kasta oo wax haystaa isla horaysiiyo ka ka jilicsan ee uu ogyahay.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd  diiwaan-gelintii codbixiyeyaashu siday gobolka ugu soo dhammaatay, waxaanu ku jawaabay ”Horta diiwaan-gellinta Codbixiyeyaashu si wanaagsan oo nabad gelyo ah ayay noogu soo dhammaatay. waanan ku hambalyaynayaa dadka gobolka Awdal laakiin way jirtaa cabasho aanu qabnaa waxaana keentay abaarta oo deegaamo badan ayaanay dadkii iska diiwaan gelin lahaa joogin oo ay ka hayaameen oo cidla ahaa arrintaa cabashadeedana waanu kala hadalay Guddiga doorashooyinka laakiin imika ma codsanayno in goobo dheeraad ah naloo furo oo dadkii wali way maqan yihiin laakiin marka Roobku curto ee aynu hello Raxmaadka ALLE,ayay noo qorshaysan tahay in aanu codsano in naloo diiwaan-geliyo dadka dhulkooda ku soo noqday ee markii hore abaartu hayaamisay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply