Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaado Sharaf Ugu Abaal Celiyay Golaha Degaanka Cardiff Oo Kal-hore Aqoonsaday Somaliland

0
291

London (Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  shahaado sharaf ku abaal mariyay  Maayarka iyo Golaha degaanka  Magaaladda Cardiff ee dawlad hoosaadka Wales, ka dib markii Golaha deegaanka ee magaaladaas xukumaa ay sannadkii hore ansixiyeen mooshin ay ku caddeeyeen inay Somaliland ugu aqoonsadeen dawlad madax banaan.
 
Danjiraha  Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Ingiriiska Cali Aadan Cawaalle, ayaa shahaado sharaftaasi shalay gaadh siiyay Maayarka Cardiff, sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Safaaradda Somaliland ee UK, waxaana lagu sheegay   “Waxaanu maanta (shalay)  booqasho hawleed ku tagnay aniga iyo Counsellor MW Boss magaaladda Cardiff ee Dawlad hoosaadka Wales, halkaas oo aanu kulan kula yeelannay Maayarka   magaaladda Cardiff iyo xildhibaanno  ka tirsan  golaha degaanka ee magaaladaasi.
Waxaanu Maayarka guddoon siinnay shahaado  Sharaf uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ku maamuusay  golaha degaanka Cardiff iyo labadii xildhibaan ee ka shaqeeyey mooshinkii  golahaasi ku aqoonsaday jamhuuriyadda Somaliland.”
 
“Anigoo  ka wakiil ah Madaxweynaha iyo ummadda  Somaliland, waxaan uga mahad  celiyay  Maayarka iyo xildhibaannada   aqoonsiga Somaliland,  waxaananu isla qaadaa dhignay sidii loo dar-dar gelin lahaa dedaalka aqoonsi raadinta   Somaliland.  Waxaan u mahad naqayaa Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee Cardiff oo si wacan uga soo shaqeeyey hawshan,”ayaa lagu yidhi  war-murtiyeedka ka soo baxay xafiiska safaaradda Somaliland ee UK.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply