Addis ababa(Dawan)- Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Jamhuuriyadda Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa kulan kula yeeshay magaaladda Addis-ababa shirkadda caalamiga ah Cambridge Industries Group, oo dalka Itoobiya ka hirgalinaysa koronto laga dhalinayo xashiishka.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray ku-xigeenka safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, waxaanu kaga hadlay waxyaabihii Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta iyo masuuliyiinta shirkadaasi ka wada hadleen.
“Masuuliyiin ka Socday Xukuumadda Somaliland oo uu Hogaaminayay Wasiir ku Xigeenka wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ay wehelinayeen Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Raabi Maxamed iyo Safiir ku Xigeenka Safaarada Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad Diiriye iyo weliba madax waaxda Ganacsiga ee safaarada Cabdilaahi Shibiin ayaa shalay magaalada Adis ababa xarunta Ethiopia kulan balaadhan la yeeshay Shirkada Cambridge Industries Group oo ah Shirkad caalami ah oo dalka Itoobiya ka hirgalinaysa Mashruuc Koronto oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee qaarada Afrika laga hirgaliyo oo dabka ka dhalinaysa qashinka iyo xashiishka la qubo, halkaas oo Koronto aad u Jaban laga dhalinayo.
Masuulyiinta Shirkada ayaa Sharraxaad ka bixiyay habka ay korontada u dhalinayaan iyagoo Weftiga ku soo wareejiyay Wershada iyo qeybaha kala duwan ee Mashruuca. Waxaanay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dalka Somaliland maalgashi ku sameeyaan oo ay Koronto Jaban oo nadiif ah siiyaan.
Wasiir ku xigeenka iyo Masuuliyiinta kale ayaa tilmaanay in dalka Somaliland uu u furan yahay soona dhawaynayo cid kasta oo Maalgashi waxtar leh ku samaynaya Somaliland.”
“Dalkaygu ma Horumari karo haddii aan la helin Koronto Jaban, Xukuumad ahaana waxa naga go’an inaanu Koronto Jaban oo la awoodi karo aanu u helno Dadkayaga,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo kulankaas ka hadlay.
Dawannews Hargeysa office