Qorshe Faraha Lagaga Qaadayo Ajaanibka Somaliland Ku Sugan Oo La Soo Bandhigay

0
314

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaado doonto  cid kasta oo ajanabi ah oo sharci darro ku joogta dalka, wixii ka dambeeyay 25-kii bishii Feberwari ee la soo dhaafay.
Xukuumaddu waxa kale oo ay sheegtay inay fulin doonaan qorshe ay faraha iyo indhaha kaga sawirayaan dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan, si haddii ay fal-dambiyeed sameeyaan loo soo qaban karo.
Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiir ku-xigeenka maamulka gobollada iyo agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga Mr. Jaamac Cabdilaahi Biin iyo Cabdifataax Siciid Axmed, oo si wada jir ah shalay shir jaraa’id ugu qabtay xarunta wasaaradda Arrimaha gudaha.
“Waxaanu samaynay  qorshe muhiim ah oo aanu indhaha  iyo faraha ka sawirayno ajaanibka sida sharciga ah dalka ku jooga, si ay noogu fududaato haddii qofka ajanabiga ah ee wadanka ku sugani haddii uu dambi galo aanu u soo qaban karno. Waxa kale oo aanu ciidammadda booliska iyo kuwa kale ee ammaankaba faraynaa in qofka ajaanibka ah ee aan sharci darro ku jooga Somaliland ay soo qabtaan,:ayuu yidhi Agaasimaha guud ee daakhiliga Cabdifataax Siciid Axmed.
Wasiir Ku-xigeenka maamulka gobollada ee wasaaradda Arrimaha gudaha  Jaamac Cabdilaahi Biin, oo isaguna  ayaa ugu baaqay in dadka ajaanibta ah ee wadanka jooga ay soo dalbadaan kaadhadhkii ay wada ku joogi lahaayeen, waxaanu yidhi “Dhammaan dadka ajaanibta ah ee  jooga, Somaliland meel kasta ha joogeene, in ay muddo kooban wadanka kaga baxaan, haddii kale ay soo dalbadaan aqoonsigii ay ku joogayeen wadanka, ama waalaga aqbali ama waa laga diidi doonaa. Hase yeeshee waa inay si cad oo sharci ah ku joogaan ajanabigu ama inay wadanka ka baxaan.”
“Waxaa  dhacday in codsi kale dadkii keenneen oo ay yidhaaheen kuma diyaar garoobi karno mudadaas na loo cayimay xaq iyo xuquuq ayay u yeesheen, sidii baanay noqotay oo dib ayaa loogu  kordhiyay mudadii, waxaanay ku ekayd, 25-kii Febarwari ee la soo dhaafay, ilaa maanta ilaa maalintiina waxaanu aqoonsan nahay, cid kasta oo aan illaa imika qaadan sharcigii, amase aan soo dalban oo aan xafiiska iska diwaan gelin inay ka maarmeen, ruqsad Somaliland ah inay qaataan,”ayuu yidhi Wasiir Jaamac Biin.
Wasiir Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Waxa ciimmaddu  haddii ay yihiin kuwa milatariga ah ee xuduudaha jooga, kuwa badda ee Xeebaha iyo ciidanka laanta socdaalkaba waxay ku amran  yihiin in cidkasta oo wakhtigii ka dha,maaday, oo aan haysan ruqsad uu ku joogo wadanka in la soo qabto, lana soo ururiyo, sharcigana la horkeeno.”
Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamad Cismaan Caalin (Dayib) oo isaguna halkaas hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in ay fulinayaan in amarka ay bixiyeen masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha guduhu.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply