Guddi Hoosaadka Ilaalinta Hantidda Qaranka Oo Kormeer Ku Soo Maray Wasaaradda Caafimaadka, Cusbitaalka Guud iyo Xarumo Kale

0
276

Hargeysa(Dawan): Guddi hoosaadka  ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay kor meer ku soo maray  wasaarada caafimaadka cusbitaalka guud  ee magaaladda  Hargeisa iyo sidoo kale cusbitaalka  caruurta  ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.
Guddoomiyaha gudidaasi  ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka   xildhibaan Maxamed Cali Xirsi,  oo warbaahinta uga waramay u jeedada kormeerka ay ku soo mareen wasaarada caafimaadka cusbitaalka guud ee Hargeisa iyo xarumahaasi  caafimaad ee kale,   waxa uu sheegay in u jeedada kormeerkoodu   ay la xidhiidho warbixinadii gudidu ku soo xog waraysan jireen hay’adaha dawlada.Waxaanu  tilmaamay  xildhibaanku in ay  maalinta bari ah (maanta),  ay soo bandhigi doonaan warbixino ay ka soo diyaariyeen 26 hay’adood oo ka mid tirsan hay’adaha dawladda. “Waxaanu  booqanay maanta (shalay)  wasaaradda caafimaadka cusbitaalka guud ee  Hargeisa iyo cusbitaalka caruurta  ee Dr. Aadan sheikh,  aad  baananu  uga mahad naqaynaa sidii ay noo soo dhaweeyeen masuuliyiinta hay’adahaasi. Guddida   ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka,  in badan ayay sugayeen shacabka iyo qarankuba,  muddo sanad iyo badh ah ayaan wadnay hawshan kulan kanina waxa uu ahaa kii aanu ku soo xidhaynay warbixino aanu wadnay”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cali Xirsi. Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Sida  ugu dhakhsaha badana waxaanu  u soo bandhigi  doonaa  warbixino aanu ka diyaarinay  26 hay’adood iyo wixii nooga soo baxay iyo wixii talooyin ah  ee aanu hayno.  Waxaananu    soo bandhigi doonaa   Salaasadda todobaadkan, hudheelka  Maansoor ayaanu  war-saxaafadeed  ku qaban doonaa. waxa aanu kala ku lanay  27 hayadood oo qaranka ka mida.’’
Dhinaca kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil,  oo isna ka hadlay kormeerka ay gudida ilaalinta hantida qaranku wasaaradiisa ku soo mareen  ayaa  sheegay in ay gudida  is-ku af-garteen xog-waraysiga  ay wada yeesheen, kaasi  oo taabanayay dhinacyo badan.
Waxaanu  yidhi “Aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin gudida ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha Wakiilada,  ee uu hogaaminayo xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.  Waxay  soo kor-meereen wasaaradda caafimaadka,  cusbitaalka guud iyo cusbitaalka caruurta ee Dr. Aadan Sheikh.
Waxaananu  is-ku af-garanay xog-waraysi aanu wada yeelanay gudida oo dhinacyo badan taabanayay, waxaan doonayaa in aynu wada shaqeyno,  maadaama oo aynu qaranka ka wada mid nahay.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply