Gudoomiyaha Guurtida Oo Ugu Baaqay Puntland iyo Cali Galaydh In Ay Farro-gelinta Joojiyaan Goboladda Bari Ee Somaliland

0
256

Hargaysa (Dawan): Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa uga digay maamulka Puntland in ay  ka waantoobaan faro-gelinta ay ku hayaan degaamo ka mid ah dhulka  Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan ayaa fariintiisa waxa uu si gaar ah ugula hadlay horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo sidoo kale maamulka Puntland oo uu sheegay  in ay si joogto ah hawlo khal-khal gelin ah uga wadaan goboladda bariga ee Somaliland
Saleebaan maxamuud Aadan, oo  shalay  warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “. “Dawladdu iyadaa ku filan, wasiir Saleebaan Xaglatoosiye-na waanu ka warhaynaa hawsha qaran ee uu ku jiro. Maamulka Puntlanad iyo Cali Khaliif waxaanu leenahay waar aan kala nabad helno. Maanta uma baahnin colaad iyo bulshada oo la iska hor keeno, iyagana intaas ayaanu u jeedinaynaa.”
Dhinaca kale guddoomiyaha Guurtdu  waxa uu shacabka ku dhaqan goboladii ay ka soo dhamaatay diiwangalintu ku bogaadiyay sidii fiicnayd ee ay hawshaas ugu soo baxeen, gobolada ay hadda ka socoto iyo kuwa hadhsanba waxa uu gudoomiyuhu ugu baaqay in ay si baaxad leh ugu soo baxaan.
 
Waxaanu  yidhi “Diiwaangelintu waa waajib qaran oo saaran qofkastoo muwaadin ah, gaadhayna da’adii lagu qaadanayay kaadha codbixinta doorashooyinka. Markaa goboladii hawshaas sida fiican u galay waan ku bogaadinayaa, kuwa hadhayna waxaan leeyahay waa arrin qaran ee si fiican ha loogu soo baxo hana looga wada qayb qaato.”
“Dawladii iyo xisbiyadii qarankuba arrintaa si wayn bay uga qayb qaadanayaan goleyaashii kale ee qarankuna qaybtooda ayay hawshaas kaga jiraan, markaa waxa loo baahan yahay in shacabkuna gacan ku siiyaan.” Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha guurtidu mar uu ka hadlaayay sida ay waajibka u tahay kawada qayb qaadashada hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply