Magaalo Ay Ku Nool Yihiin Ey Keliya!

0
323

Dhibaatada ay dunida ku hayaan Eyda lunta ayaa ah mid joogto ah. Dal kastaa si gaar ah ayuu arinkan xal ugu raadiyaa. Laakiin dalka Barasiil ayaa isagu si ka duwan oo dhaqan cusub ah soo kordhiyay. Dalkaasi ayaa 1600 Ey oo lumay u dhisay magaalo iyaga u gaar ah, waxayna u sameeyeen dad shaqaale ah iyo weliba inuu Ey kasta helo guri uu seexdo kuna raaxaysto. Waxaana halkaasi laga dhisay 1000 guri. Magaaladan Eyda ayaa u eekaatay tuulooyinka ay ku nool yihiin dadka saboolka ahi, kuwaasi oo ka samaysan cooshado iyo buulaal gaboobay oo alaabooyin hun ahi hoos yaallaan.
Magaaladan waxa dhistay hay’ad xanaanaysa Eyda oo lagu magacaabo SOAMA, waxaana magaaladaasi jooga dhakhaatiir xayawaanka qaablisan iyo shaqaale ka shaqeeya Eydan oo raashinka iyo wixii kale ee ay u baahdaan u qabanaya.

Leave a Reply