Ugu yaraan 41 qof oo shicib ah ayaa lagu dilay, waxaana lagu dhaawacay 75 kale weerar cirka ah oo ay isbaheysiga Sucuudigu ku qaadeen Waqooyiga Yaman, sidaasna waxa sheegay howlwadeenada caafimaadka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay ugu yaraan laba gantaaal lagu dhuftey suuq mashqquul ah oo ku yaal degmada Mustaba ee gobolka Hajjah duhrnimadii.
Muuqaal fidyow ayaa marka kadib muujiyay maydadka dhawr carruur ah.
.
Gobolka Hajjah waxa maamula fallaagada xuutiyiinta oo uu isbaheysigu la dagaalamayo iyaga oo taageeraya dawlada Yemen.