Maamulka magaalada Brussels waxa ay sheegayaan in nin ku hubeysnaa qori AK47 ah la toogtay intuu socday howlgal Belgium ka dhacay.
Ninka la dilay waxaa lala xidhiidhinayaa weeraradii sanadkii tagay lagu qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Qeybta ugu ballaadhan ee howlgalka waxa uu ahaa go’doomin lagu sameeyay guri ku yaalla duleedka caasimadda Belgium, kaas oo hadda soo gabagaboobay.
Askar ayaa isku gedaamay guriga oo ah meesha ninka lagu dilay xilligii qadada ee dalkaasi ee salaasadii.
Afar askeri ayaa howlgalkaasi ku dhaawacantay, kaddib markii ninkaasi uu rasaas ku furay.
Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Brussels waxa uu sheegayaa in dad laga shakisan yahay ay ku baxsadeen saqafka guriga.