“Markii La Sameeyay Komishanka Tacliinta Sare 22 jaamacadood Ayaa Dalka Ka Jiray, Maalin Walbana way Sii Kordhayaan” Prof. Cabdi Ismaaciil

0
484

Hargaysa (Dawan): Komishanka tacliinta sare  ee Somaliland waxaa uu madaxweyne Siilaanyo digreeto madaxweyne ku magacaabay bishii August  ee sanadkii 2011-kii, mudadda uu jirayna waxa uu qaaday  komishanku talaabooyin uu  doonayo in uu wax kaga qabto tayayna tacliinta sare.hase yeeshee waxa jiray caqaado badan oo ka hor yimid markii la sameeyay komishanka tacliinta sare, kuwaasi oo ay qaarkood ilaa hadda taagan yihiin halka kuwo kalena  ogaanka komishanka tacliinta sare ay wax ka qabteen.
Komishanka tacliinta sare waxa uu ka kooban yahay 11 xubnood  oo boodhka sare ah iyo 4 afar xubnood oo iyagu hawsha si toos ah u wada, isla markaana ka hawl-gala xafiiska komishanka oo xaruntiisu  ku taallo magaaadda Hargaysa.Prof. Cabdi Ismaaciil Yoonis, oo xubin ka ah komishanka tacliinta sare  oo xafiiskiisa ugu waramay DAWAN,  ayaa sheegay in caqabadihii la soo gudboonaaday komishanka dhawr arrimood, sida in aanay jirin dhaqaale uu ku shaqeeyo,iyadoo ay muddo  jaamacado badani dalka ka jireen. Halka caqabadaha weli hor taagan hawlaha komishanka ay ka tahay xeerkii komishanka tacliinta sare oo aan weli la samaynin.
Cabdi Ismaaciil Yoonis, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Marka hore  haddii ay     hawshu si  si quman u bilaabanto,  oo  marka hore uu yimaado Komishankani, oo Komishankani uu yahay cid kasta oo doonta inay aasaasto ama samayso Jaamacad  in  ay hay’adani ka tijaabiso, kadibna la baadho tamartooda iyo waxa ay doonayaan in ay sameeyaan inay yihiin wax umadda wax u soo kordhinayaa iyo in kale marka qiyaastaa la sameeyo ka dib qaarna loo ogolaado, qaarna lala taliyo oo la yidhaahdo bedela qaabka aad wax u wadaan.
 
 
 
Markii la aasaasay Komishanka  tacliinta sare 22 Jaamacadood ayaa dalka ka jiray halkii ay ahayd in ay horayso samaynta Komishanka tacliinta sare, ayaa waxa ka horeeyay Jaamacadihii. Markaa Komishankii waa inuu ka daba tagaa, oo uu ku dedaalaa wixii xilka ama masuulyada loo xil saaray uu ahaa in uu guto.Taasina wax ka qabashadeedu sahal ma aha lamana odhan karo 22-kii Jaamacadood  waa la xidhay, ee mar danbe hala idiin qiimeeyo,  ardaydii ayaa waxbarashadii ku jira qaar ayaa dhameeyay, oo mar horeba shaqo tegay, markaa waxay u baahan tahay tab-kale in lala yimaado”.
 
 
 
Waxaanu intaasi ku daray “Midda labaad Komishanka tacliinta sare markii la sameeyay, isaga  qudhiisa markii la arkay baahidii loo qabay ayuunbaa si qarbo-qarbo ah lagu sameeyay,  waxyaabihii uu u baahnaa Komishanku si uu adeeg wanaagsan u bixiyo lama soo raacinin,  xafiis muu lahayn,  miisaaniyad muu lahayn, dhawr qof ayuubaa la yidhi waxaad tihiin Komishanka tacliinta sare, xataa shaqaale muu lahayn.
 
Markaa Komishanka laftiisii ayay noqotay in dib loo curiyo oo la dhiso, taasina wakhti ayay qaadanaysay, Komishankani qaabkii uu u shaqaynayay iyo siyaasadii uu ku hawl-gelayay ee uu xilkiisa ku gudanayay iyada qudheedii in la abuuro ayay noqotay. Institutions-kuna sidoodaba waa sida caruurta, way dhashaan, waa la koriyaa, way qaan-gaadhaan markaas ayay tamariyaana, inta ka horaysa isaga ayay tahay in la koriyo. Markaa Komishankani imika wuxuu isku wadaa laba arrimood, inuu isagii kobco iyo in uu sidoo kale tamariyo, labadii ayaanu imika isku dhex-wadnaa, waana laba shaqo oo u baahan hawlo badan,  waayahoodana leh” ayuu yidhi Cabdi Ismaaciil yoonis.
Waxa kale oo uu sheegay Cabdi Ismaaciil Yoonis, in  tiradda jaamacaduhu ay  mar kasta sii korodhayso, si taas wax uga qabtaana ay  hada ku hawlan yihiin sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa. Waxaanu yidhi  “Jaamacadihiina intaa way sii badanayaan, kuwii hore ee jiray  ayay kuwo cusubina ku so biirayaan, markaa waxay noqotay tabta uu Komishankani doonayo inuu ku guto-hawshiisa. Ta koowaad laba tiir-dhexaad ayaaanu calaamadsanay, oo ah barnaamijyadda laga dhigo jaamacada  dalka inay labadaa buuxiyaan, haddii uu mid cusub oo soo socda iyo kuwii hore qudhadoodaba. Aqoonta aduunka waa loo wada baahan yahay, mar walba, laakiin aqoomaha qaar ayaad maanta u baahan tahay, qaarna berito ayaad u baahan tahay, markaa barnaamij haboon maanta relevant, inay barnaamijyadeenu noqdaan, iyo barnaamijyo tayo leh, labadaa qodob ayaa tiir-dhexaad u ah Komishanka”.
Waxa kale oo uu ka waramay  talaabooyinka ay qaadeen ee ay wax kaga qabanayaan  tayaynta jaamacadaha dalka ee sii kordhaya. “Talaabadii uu  horaysay ee uu Komishanka tacliinta sare qaaday si uu wax uga qabto hawlahaasi waxay ahayd, in marka u horaysa Jaamacadaha jira iyo waxa ay gacanta ku hayaan iyo waxa ay yihiin barasho aanu anagu u galno, markaa waxaanu u samaynay questioners, kaasi oo ka war-doonaya ardaydooda, macalimiintooda, qalabka ay isticmaalan barnaamijkooda, facilities-ka ay haystaan ee ay wax ku dhigaan, xag caafimaad, xag waxbarasho, dhinac walba iyadoo ka eegaysa. Barnaamijkii u horeeyay ee arrintaa ku saabsan waxaanu samaynay 2014-kii, oo anu soo wada marnay Jaamacadaha dalka ku yaala oo dhan, dusha ayaanu ka eegnay, kana qiimaynay. Sanadkii ku xigay ee 2015-kii hoos ayaanu u soo degnay, iyadana warbixin ayaanu ka samaynay oowanu ku soo wada wareegnay.Imika, waxay noqotay qiimayntii Jaamacadaha in aanu ku talaabsano marka uu ardaygu ka soobaxo dugsiga sare, wuxuu qaataa imtixaano imtixaanadaasi uu qaatay ayaa noqonaya waraaqaha ama shahaadada uu ku gelayo Jaamacadaha, imika taasi ayaanu bilawnay in aanu ku samayuno daba-gal, ardayga tayadiisa ayay tayada Jaamacaduna ku xidhnaanaysaa, haddii ardaygu yahay arday si fiican loo soo diyaariyay, Jaamacaduna halka ayuunbay ka sii qadaysaa, hadii uu ardaygu liitana Jaamacadii hoos ayay u sii dhacaysaa, oo heerkii ay gaadhi lahayd ma gaadhi karto”ayuu yidhi Prof. cabdi.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu samaynay sanadkan 2015 qiimayntii ugu horaysay ardayda Jaamacadaha soo gasho, inta derejadda A iyo B haysata, iyo inta C-da iyo D-da haysta, ayaanu isku eegnay, waxaana batay inta haysata derejadda C-da iyo D-da. Waxa kale oo aanu eegnay Jaamacadaha macalimiinta wax ka dhigta waa maxay tayadoodu? Saddex level ayay u qaysamaan macalimiinta dhgitaa, waa Bachular digree, ama waa masters digree ama PHD, waxaana noo cadaatay in macalimiinta Bachular digree-ga haysataa inay ka faro-badan yihiin macalimiinta kale, wax a kale oo iyadna soo raacda in macalimiinta part time-ka ah ay ka badan yihiin kuwa permanen-ka ah. Waxyaabahaas odhan waxaa sababay waayaha iyo nolosha wadankeena ka jirta.acliinta sare marka aad eegto aduunyadda kale lacag badan ayaa laga bixiyaa Somaliland maadaama uu wadan yahay, dhaqaalihiisuna aanu aad u xooganayn Jaamacadaheenu waxay ku shaqayaan waxay ardayda ka qaadaan, marka loo eego dadka waa ku culays lkaaiin markaad u eegto waxbarashada sare, waa faro-ku-tiris iyo wax aan badnayn.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply