Shirkadda Nike Oo Soo Saartay Kabo Iyagu Isu Xidhaya Qofka

0
286

Shirkadda Nike ayaa soo saartay kabo cusub oo nooca ciyaaraha ah ama Sports-ka kuwaas oo u shaqaynaaya sida taleefanada oo kale,sidoo kalena isu xidhaaya dadka xidhanaaya, waxaana kabahan loo bixiyey magaca ah The HyperAdapt 1.0.
Muqaal lagu soo bandhigaayey kabahaasi ayaa markii ugu horeysay lasoo bandhigay,kaas oo ciwaan looga dhigay Back to the Future Part II,taas oo macnaheedu yahay ku noqo mustaqbalka qaybtii labaad.
Kabahan ayaa lagu xidhay qalab si fudud u ogaanaaya cagta qofka doonaaya inuu xidho kabtaasi, taas oo u sahlaysa inuu qofku si fudud u xidho kabtaasi ama ay iyaduba isugu xidho qofka.
Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ay kabahani yihiin kuwo ikhtiraacoodu yahay mid caalamka ku cusub, iyaga oo leh badhamo dhinacyada kaga yaala,waxa kale oo ay kabahani lee yihiin beytariyo la dabayn karo, kuwaas oo wireless ah.
Ciyaartoyga Cristiana Ronald ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee tijaabo ku sameeya kabahaasi, kuwaas oo caalamka ku cusub.
 

Leave a Reply