Madaxweyne Obama oo la Hadlay Shacabka Kuuba

0
370

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qiray taariikhda adag ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Kuuba, hase yeeshee waxa uu farriin nabadeed u yaboohay dadka Kuba, isaga oo shalay soo geba gebeynaya socdaal uu dalkaas ku joogay.
“Havana waxa ay 90 mile (145 KM) kaliya u jirtaa Florida, hase yeeshee si aan halkan u nimaadno, waxaan ku qasbanaanay inaan safar dheer oo kala duwanaansho fikir iyo mid taariikh soo galno” ayuu yidhi Obama oo shacabka Kuuba kula hadlay xarunta taariikhiga ah ee El Gran Teatra de Havana.
Obama waxa uu sheegay in farqiga u dhaxeeya Washington iyo Havana uu yahay mid dhab ah oo muhiim ah, hase yeeshee waxa uu sheegay  in labadaba dhinacba ay sii wadi karaan caadiyeynta xidhiidhkooda taariikhiga ah.
“Waxaan halkan u imid inaan aaso haraadiga dagaalkii qaboobaa ee America” ayuu Obama u yidhi si kalsooni ku jirto.
Obama waxa uu sidoo kale ku baaqay soo geba gebeynta cuna qabateynta dhaqaale ee sanadaha badan jirta ee Mareykanka uu saaray Cuba.
Waxa uu sidoo kale dowladda Kuuba, ugu baaqay is-beddel dimoqraadiyadeed.
Waxa uu sheegay in xitaa haddii cuna qabateynta la qaado, in dadka Kuuba aysan ka faa’iideysan karin, inta looga ogolaanayo inay si dimoqraadiyad leh u doortaan kuwa maamulaya.
Dhanka kale Kala qaybsanaanta dhanka aragtiyada ee u dhaxeysa mareykanka iyo Kuuba ayaa si weyn u soo shaac baxday kaddib markii ay kulmeen hoggaamiyeyaasha labadani dal.
Arrimaha ay sida weyn ugu kala qaybsan yihiin ayaa waxaa ka mid ah dimuquraadiyadda iyo arrimaha la xidhiidha xaquuqul insaanka.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya labada waddan uu gaadhi karo meel wanaagsan haddii Kuuba ay horumar ka sameyso isbadalada dhanka siyaasadda iyo xaquuqul insaanka.
Dhanka kale madaxweyne Raul Castro ayaa mareykanka ku eedeyay labo wajiilanimo, waxa uuna si weyn u dhaliilay xayiraadaha dhaqaale ee saaran dalkiisa.
Castro ayaa ugu baaqay Obama in uu gacanta dowladdiisa ku soo celiyo saldhigga ciidamada badda ee Guantanamo.
Inkastoo ay kala qaybsanaantaasi jirto haddana labadani hoggaamiye ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeyo labadani dal, iyagoo sidoo kale shaaciyay horumarka ay ka gaadheen arrimahaasi.
 
 

Leave a Reply