“Anigu Nasiib Ayaan leeyahay, Waayo laydh Waan Helaa”

0
369

Markii aan gaadhay xaafadaasi waxaan la kulmay  gabadh da’ ah oo dhuuban waxay ku madhaysay  dharkeeda sinxi weyn oo hor yaalay qolka derkeda ah ee ay hor fadhiday.  Markii ay dhamaysay waxay biyaha ku daadinaysa dariiqa quruurxa ah ee qalalan, dharkana waxay ku wadhaysay  xadhiga ku xidhan wadada labadeeda dhinac.    Dharkeeda iyo weelkeedaba waxay ku maydhaysay dariiqaa banaan waxaana sabab u ahaa iyadoon nidaamka fayo dhawrku aanu ka jirin deegaanka saboolka ah ee Qaahira. Waxaan ku idhi “ ka waran nolosha halkan waxayn si fudud u tidhi “Anigu nasiib ayaan leeyahay waayo laydh ayaa helaa”, kirada gurigana bil kasta waan bixiya.  Waxa ku yaalla dukaamo iyo makhaaydo yaryar oo saboolnimadu ka muuqato , waxay dadku cabayaan badeecadda, buuriga iyo sigaarka.
Waxayna ciyaarayaan dumnad iyo turub. Dariiqa dhexdiisa  digaag ay dhaqdeen ayaa socda, Eyaduna waxay u dhex  mushaaxaysaa si xor ah. Xabaalaha dhincooda waxa si degan ugu sheekaysnaya dumar  alaabooyin is siinaya. Caruurtooduna iyagoo bilaa kabo ah ayay si degan ugu ciyaaryaan wadada ka danbaysa dhismayasha derkedaha ah ee xabaalaha dhinac ku haya. Waa muqaal ka mid ah Qaahira.. Waa xaafadda xabaalaha ee Qaahira oo ay ku nool yihiin hal malyuun oo qof oo sabool ah. Source: zenith online/ Germany 17/01/2015).

Leave a Reply