Boland iyo Diidmadeeda Qaxootiga

0
419

Ra’iisulwasaaraha Booland ayaa sheegtay in aanu dalkiisu aqbali doonin inuu qaato 7,000 oo qaxooti ahaa oo uu ku ogglaaday wadahadaladii Midowga Yurub isaga oo diidmadiisa u sibir saarey weeraradii lagu hoobtay ee Brussels.
Ra’iisulwasaare Beata Szydlo ayaa sheegtay  arbacadii inaaney suurtogal aheyn in ay qaxootigu yimaadaan Boland kadib qaraxyadii gilgiley caasimada Beljam salaasadii .
Boland  ayaa qorsheynaysay in ay aqbasho 400 oo qaxooti ah sannadka iyada oo int a kalena qorshuhu yahay  in ay qaadato saddedxa sano ee soo socda.
Kumanaan qof ayaa sannadkii hore jidadka Boland u soo baxay iyaga  ka mudharaaadaya qaxootiga kuwaasi oo uu soo abaabuley ururka xagjirka ah ee bidixda fog.
Waxa kale oo la soo weriyay aflagaadooyin iyo hagardaamo loo geystay qaxooiga ku sugan Boland.Physical abuse of Poland’s barely visible refugees has also been reported.
Boland ayaa in badan ka caga jiideysay in ay qaadato qaxooti, haseyeeshee ugu danbeybtii waxa ay aqbashay 5,000 oo ka mid ahaa 120,000 oo ay qaybsadeen 28 ka dal ee midowga yurub iyada oo loogu daray 2,000 oo kale.
 

Leave a Reply