Dadka Mobile-ka Aadka U Isticmaala Oo La Sheegay In Ay Dhibaatooyin Kala Kulmaan

0
390

Daraasad cusub oo ay soo saareen kooxo culimo dhanka isgaadhsiinta ahi ayaa natiijadeedii oo lasoo saaray lagu sheegay in qofku la qabsado isticmaalka Mobile ka,taas oo keenta in qofkaasi aanu ka maarmi karin Mobile kaasi.
Qofkaasi ayay khubaradani sheegeen in uu dhibaatooyin dhanka Nafsiga ah la kulmo marka uu ka yimaado Mobile kaasi xataa haddii uu ka maqnaado waqti yar.
Dhanka kalena khubaradan ayaa sheegay in dadka inta badan isticmaala Computers-ku ay iyaguna yihiin dad bilaa samir ah,kuwaas oo aan u dulqaadan waxyaalo badan.
Dadkan ayaa la sheegay in ay wer weraan inta Mobiles ku ka maqan yihiin,sidoo kalena waxa la sheegay in dadka isticmaala Koombiitarka ee hor fadhiya waqtiga badan ay iyaguna ku sigtaan in ay dadka kale dhibaato u geystaan ,madaama oo ay maskaxdoodu maqan tahay.
Henry Wilmer oo ah nin ku takhasusay dhanka cilmi nafsiga kana hawl gala jaamacadda Temple University oo ku taala magaalada Philadelphia ayaa sheegay in isticmaalka badan ee Mobile ku ay la mid tahay sida imtixaan lagu soo cel celiyey oo kale,kaas oo la dabeecad noqda dadka isticmaalaa dadkaasi,isaga oo maskaxda uga shaqaysiiya siyaalo kala duwan oo deg deg ku jiro.
 

Leave a Reply