Kulanka John Kerry iyo Ra’iisulwasaaraha Beljam

0
370

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaraaha Belgium Charles Michel, si uu tacsi ugu gudbiyo kadib qaraxyadii dhacay salaasadii, islamarkaana ugu yabooho taageero.
Kerry ayaa waxa uu yidhi “Waxaan nahay Brussels”, isaga oo muujinaya inuu garab taagan yahay Belgium.
Shir jaraa’iid oo ay qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Belgium, ayuu Kerry ugu sheegay argagixisada “Nalama cabsi gelin doonno.”
Waxa uu ballan qaaday in beesha caalamka ay shaqeyn doonto inta adduunyada laga cidh.ib tirayo “Fikradaha qalafsan iyo fuleynimada argagixisada.”
Booqashada Kerry ayaa imaneysa ayada oo taleefishinka Mareykanke ee ABC uu shaaca ka qaaday in dadkii ku dhintay qaraxyadii Brussels ay ka mid ahaayeen laba qof oo Mareykan ah. Weli lama shaacin magacyada dadkaas.
 

Leave a Reply