Saxaabi Rasuulku (scw) Magac u Bixiyay

0
360

Abuu Hureyra (RC), wuxuu ku soo Islaamay Gacantii Dufeyl Caamir Al-Dowsi, wixii intaasi ka Dambeeyayna wuxu Dhex joogay qabiilkiisa Reer Daws.
Abuu Hureyra (rc) wuxuu ahaa Wiil Dhalinyaro ah oo u Go’ay u Adeegga iyo kaalmaynta Rasuulka (CSW). Waxa saldhig u ahaa Masjidka Nabiga (CSW). Macalin iyo Hoggaamiye ayuu ka dhigtay Nabiga (scw), mana lahayn wakhtigaasi xaas iyo Caruur.
Dadku waxay ugu yeedhi jireen Islaamka ka hor Cabdi Shamis, laakiin markuu Allah (sw) ku Manaystay Islaamka, kuna Sharfay la Kulankii Nabiga (csw), ayaa wuxuu Rasuulka ku yidhi:- Magacaa?. Wuxu u sheegay  Magaciisa Cabdi Shamsi.
Nabiga (csw ) ayaa ku yidhi:”  Maya ee waxaa lagu yidhaahdaa Cabdiraxmaan. wuxuu yidhi:- Waan kaa Aqbalay Rasuul Allow (scw). Maalintaas wixi ka Dambeeyayna waxaa loogu yeedhi jiray Cabdiraxmaan Binu Sakhar.
Waxaana lagu Naanaysi jiray Abuu Hureyra, Sababta loogu Bixiyayna waxay ahayd, markuu yaraa ayuu lahaa Bisad yar, taasoo uu Jeclaan jiray inuu la Ciyaaro.
Inamadii ay isku Da’da ahaayeen ayaa wixii Maalintaas ka Dambeeyay waxay ugu yeedhi jiray Abuu Hureyra. Iyadoo markii Dambana uu ku Caan baxay. Wuxu la noolaa hooyadii oo markii danbe islaamtay.
 
 
 

Leave a Reply