Afduubkii diyaaradda Masar oo loo Adeegsadey Suun Been abuur ah

0
322

Ninkii afduubtay diyaaradii Masar dhexdeeda u kala safraysay ayaa isdhiibay oo la xidhay.
Aduubaha ayaa la sheegay inuu u adeegsadey leexinta daauulimaadka suun ia qarxin oo been abuur ahaa.
Diyaaradaasi oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir, ayaa lagu qasbay in ay ku degto garoon ku yaala Qubrus.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca loo yaqaano Airbus A320, lambarka duulimaadkeedu wuxuu ahaa MS181, waxayna waday 81 qof oo rakaab ah.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qubrus, ayaa sheegay in hawshii afduubku ay dhamaatay.
Qof rakaab ah oo sheegay in uu wato suun qarxa ayaa ku amray in shaqaalaha diyaaraddu ay duulimaadka u weeciyaan dhanka Qubrus, sida ay sheegtay shirkadda diyaaraddaha ee EgyptyAir.
Haseyeeshee sida ay sheegeen saraakiisha shirkadda markii danbe sunkaasi ayaa masuuliyiinta Qubrus ku tilmaameen inuu ahaa been abuur.
 
Diyaaradda EgyptAir ayaa sheegtay in wadahadalo la galay ay horseedeen in la sii daayo dhamaan dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda, marka laga reebo afar ka mid ah rakaabkii oo ajaaniib ah iyo shaqaalihii diyaaradda.
Markii dambana waxaa soo muuqday ninkaas oo Masar u dhashay oo gacmaha taagaya kana soo dagaya diyaaraddii uu afduubtay.
Wax yar dabadeedna waxaa la arkay dhawr qof oo ka soo ordaya diyaaradda, mid ka mid ah shaqaalaha ayaana diyaaradda iska tuuray.
Madaxwaynaha Qubrus, Nicos Anastasiades, oo goor sii horaysay hadlay ayaa weriyeyaasha u sheegay in afduubka diyaaraddu uusan la xidhiidhin argagixiso.
Garoonka diyaaradaha ee Larnaca oo ah midka ay diyaraddani ku dagtay ayaa la xidhay, diyaaradihii ku degi lahaana waxaa loo weeciyay garoomo kale.
Ninka afduubtay diyaaradda ayaa magaciisa lagu sheegay Seif Eldin Mustafa, laakin weli ma cadda sababta ku kaliftay.
 
“Waa ay dhammaatay. Afduubaha waa la xidhay iminka” waxaa sidaas barta twitter ku shaaciyey wasaaradda arrimaha dibedda Cyprus.
Warbixinada qaar ayaa sheegaya in afduubaha uu sameeyey dalabyo la xidhiidha xaaskiisa oo iminka ku nool Cyprus, halka warar kalena ay sheegayaan inuu xidhnaa walxaha qarxa.
Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda oo ahaa illaa 55 qof, ayaa loo ogolaaday inay diyaaradda ka baxaan.
Madaxweynaha Cyprus, Nicos Anastasiades ayaa sheegay in afduubka uusan wax xidhiidh ah la lahayn fal argagixiso.

Leave a Reply