Dagaalka Yaman iyo iyo Saameynta uu ku Yeeshay Carruurta

0
286

Dagaalka Yaman oo hal sano jirsadey oo saameyn ba’an ku yeeshay da’ yarta ayaa la sheegayaa in maalintiiba lagu dilayay  lix carruur ah sannadkii tegay.
Warbixin ay UNICEF soo saartey salaasadii shalay ayaa waxa ay kaga digtey in qiyaastii  320,000 oo carruur ahi waajahayaan xaalad nafaqadarro oo halis gelinaysa noloshooda.
Warbixintan ayaa lagu soo beegay xuska bilowgii dagaalka Yaman ee uu hoggaaminayo Sucuudigu  oo ay ka soo wareegtey hal sano.
Heyadda Unicef  ayaa sheegaysa in maalin kasta lagu dilayay  ama lagu dhaawacayo  lix carruur ah dagaalka sannadkii tegay, taasi oo toddoba jeer ka badan marka la barbardhigo sannadkii 2014.
Rajo ayaa ka soo muuqatay dagaalka markii ay toddobaadkii tegay ku heshiiyeen dhinacyada dagaalamayaa in ay joojiyaan colaada laga bilaabo 10 ABRIL, iyada oo wadahadallada nabada  furmi doonaa 18 Abril.
Dagaalka sannad jirsadey ayaa waxa lagu diley  inka badan 6,200 oo qof.
UNICEF waxa ay leedahay saddex dalool     saddex kun oo shicib ah oo lagu diley dagaalka ayaa ahaa carruur.

Leave a Reply