Dadka Kalluumaysta, Noocyada Kalluun Iyo Qaababka Ay U Jillaabtaan

0
1353

Dadka Soomaalida ee xeebaha ku nool intooda badani waxay ku nool yihiin wax soo saarka badda. Dadkaasi waxay leeyihiin af-guri u gaar ah ama lahjado u goonni ah. Tusaale ahaan eray bixinnada ay isticmaalaan waxaa kamid ah:
1-  BADDHAC: (Badmareen) waa ninka bad  yaqaanka ah oo arrimaha badda la xidhiidha wax laga weydiiyo.
2- NAAKHUUDE: waa qofka doonta ama markabka wada , sidoo kale waxa naakhuude loo yaqaan ninka ugu sareeya ee xukuma markabka Soomaalida.
3- BADMAAX: ( Serenji ): farsamo yaqaanka ka shaqeeya doonta ama markabka ayaa loo yaqaan badmaax. Badmaaxyada qaarkood waxay kaaliye u yihiin naakhuudaha , qaarna waxay sameeyaan wixii doonta ka xumaada , dhammaantoodna waa xirfadleyaal aanay maraakiibtu ka maarmin.
4- BAXRI: waa adeege ka dhex shaqeeya doonta ama markabka. Baxrigu waa kalluun dabe . hagaajiyaha qalabka kalluun dabidda iyo u qaybsanaha dhammaan adeegyada doonta kalluumaysiga.
5- SUQAYAR: waa wiil yar oo badda aan gelin hase yeeshee u diyaariya doonta waxyaabaha ay u baahan tahay sida shidaal, raashin ,ilaalinta qalabka iyo baroosin u dhigidda doonta iyo dejinta kalluunka lasoo dabay  mararka qaar ee badda waxbadan lagu jiraayana wuxuu raacaa doonta si uu uga caawiyo doonta iyo shaqaalaheeda wixii adeeg ah ay u baahan yihiin.
6- CAASHAQ: waa falka la adeegsado marka laga hadlayo markab dekadda kusoo xidhay amaba lagu soo xidhayo.
7- QUUSID: maquurashada uu qofka biyaha yaqaan hoos ugu dhaadhaco amaba yuumbado , sidaa darteed sadafk luulku ku jiro iyo aragoostada masoo gaadan karo qofaan quusid aqoon.
8- BIYOBAX: waa arrin khusaysa dadka badda gala , gaar ahaan kuwa quusa oo moolka dheer gala kana soo gura luulka iyo macdanaha kale ee badda ku jira . waa qaab iyo farsamo ay iskaga daweeyaan dhibka kasoo gaadha quusidda ,muddada dheer ee ay quusayaashu hoos ku jiraan cadaadiska badan ee ku dhaca waxay u keenayaan inay biyuhu korka ka galaan, sidaa darteed ayay markay soo baxaan bacaadka badda isku aasaan si ay dhidid badan iskaga keenaan. Farsamadan waxay usoo celisaa markaas firfircoonidii ay lahaayeen.
9- DHEEG: markabka ama doonida labadeeda dhinac midkood baa la yidhaa dheeg.
10- HEERAAB: tiirka amaba qoriga doonta hoosteeda ah, waa qoriga laf dhabarka u ah isku xidhka hore iyo gadaal ee doonta.
11- HOOSHAAR: (shookaan iyo maqas) : waa shookaanta huudhiga amaba doonta dhanka dambe ayaana looga xidhaa. Hooshaarka ayaa doonta kolba dhan loogu leexiyaa.
12- MUQDAAF : waa ul keligeed ah oo badanka lagu wado labadiisa af ayaa kolba dhan biyaha loogu riixaa.
13- MILGO: waa shabag ilyar ah oo gacanta lagu tuuro , waxaana lagu dabaa kalluunka yaryar ee Caydiga loo yaqaan.
14- JIRIIF: waa shabag gaag marreebe ah, waa hababka shabag jillaabasho ee ay maraakiibtu sameeyaan.
15- YUUBO : waa shabaag lagu kalluumaysto , shabaagtaan dacalna dibadda lagu hayaa dacalna badda gudaheedaa loo jiidaa , markab dhinac jiidaan bay haddana soo qaloociyaan sidii iyagoo goobo oo kale samaynaya kaddibna labada af laysi keenaa oo lasoo wada bixiyaa halakaana wixii ku jiray dibadda ku yimaadaan.
16- KARAAB: waa loox qoran ama caag biyaha dushooda sabbeeya , sida kuusha ayaa shabaagta loogu tixaa si aysan u quusin shabaagtu oo biyaha ugu mirqin.
17- RASAAS: waa biro yaryar oo macdan ah waxa lagu taxa qaybta hoose ee shabaagta si ay hoos ugu sii jiidaan hoosna ugu kala baxaan.
18- SAXIIMAD: waa doon ama markab badanka ka weyn oo xamuulka kasoo gura doonyaha iyo maraakiibta waaweyn, waxaa kale loo yaqaan taag.
19- SEEB (Sacab) : ulo dhammaadka u ballaadhan  (balxafsan) oo doonta laga wado marka aanay shiraac lahayn ama matoor lahayn.
20- LUCAAF: (Can tallaal) : waa hilibka la geliyo jilibka iyo idaadda si loogu dabo libaaxa ama kalluunka.
21- SIIFAD: subag laga shiilo beerka libaaxa waxaan la mariyaa looxa doontu ka samaysan tahay. Siifadu waxay ka ilaalisaa looxa faaxitaanka iyo inaan bulaanbulyo iyo cayayaan midna gelin .
22- CIDDI: qolof sida qolofta kalluunka lagu xoqo u eg waxaan lagu daraa ciddi badeedku ama laga sameeyaa uunsiga la shito.
23- HUNGO: waa eray loo adeegsado xaaladda shabaagta dabashada kalluunka ,inay shabaagtii shalay la daadshay madhan tahay weli ayaa lagu tusaaleeyaa , waxaa la dhahaa shabaagtii waa hungo.
24- XAAFOOD: dhirta badda gudaheeda ku taal ayaa xaafood loo yaqaan socodka iyo baraanbarka mowjadaha ayaa xaabta kusoo tufa.
25- XAJIIN-BADEED: waa xab xajiin daran ku reeba qofka uu jidhkiisa taabto , xabkaasi marka uu hoos badda ku jiro waa noole , marka uu sabeynayana waa manoole.
26- MANDHAYAC JIIF: xilliga xagaaga ah ee ay kalluumaysatadu badda gelin , xilligaas waxay kalluumaysatadu quutaan wixii ay hore u qallajisteen sida libaaxa, tabadinka iyo taraaqada.
27- KHARIIF: waa go’ doonta ka dhasha dabayshii doontu ku safri lahayd oo la waayo , muddadaas dabayshaas la sugayo ayaa loo yaqaan khariif.
28- TABADIN: Jaydran waa la yidhaa waa kalluun guura oo xiiska iyo tiyaarka raaca wuxuuna maraa dusha . kolkaa uu yar yahay waxaa lagu magacaabaa Caydi.
29- TARAAQAD: yuumbina waa dhahaa , waa kalluun caalami ah oo aad loo jecel yahay, isaga iyo tabadinku waa isku dabeecadd oo dusha ayay maraan xiiskana wuu raacaa baddaha adduunkana wuu u kala gooshaa.
30- SADAF: waa qoloflay laba qalbac leh waxa uu calooshhiisa ku sameeyaa oo gudahiisa laga helaa luulka ama lu’lu’da , waxyaabaha sadafka laga sameeyo waxaa kamid ah galluuska.
31- SHIRIMBIS: waa ayax baddeedka , shirimbisku waa qolofley sida aargoostada , dhulalka qabow ayaa aad looga jecelyahay oo cuniddiisa kullayl baa laga helaa.
32- LIBAAX BADEED: kalluun quuta kalluun kale iyo noolayaalka kale waana noocyo badan yahay waxaana ka mid ah : Cawar, Madaxdubbe, Seefle. Nimiraani iyo kuwo kale.

Leave a Reply