Hitler miyaa la dilay, mise wuu is dilay?

0
281

Bishii April 30-keedii, sanadkii 1945, hogaamiyihii Jarmalka Hitler ayaa isugu yeedhay dhamaan madaxda ciidamada ee difaacasay Berlin, si uu waraysto. Waxayna u sheegeen in ciidamadii casaa ee Ruushku aanay ka fogayn gurigan Hitler ee shirku ka socdo una jiraan 500 mitr. Magaaladuna ay gacantooda geli doonto intaa aanu gabalku dhicin, waxayna ka codsadeen inuu dagaalks joojiyo.  Hitler ayaa aamusnaan kaga jawaabay maalintaasi, waxaan uu xidhay shirka.  Wakhtigaasi ayuu Hitelr goostay inuu is dilo isagoo aroos ahaa habeenkii ka horeeyay oo uu guursaday Eva Brown.  Maalintaasi waxa wada qadeeyay Hitler , Eva Braown, saraakiishii ciidamada iyo shaqaalihii Xarunta.  Wakhtigaasi oo 2:00 duhrnimo, ka dibna Hiletr iyo gabadhiisu waxay galeen qolkoodii.
Markii ay saacdu ahayd 3:00 PM ayaa qaar ka mida ilaalada xaruntu ay maqleen dhawaaqa rasaasta qolkii Hitler ku jiray.  Laakiin rasaastaasi muu maqlayn Auto Ghani oo ahaa ilaaliyaha albaabka.  Wax yar ka dib waxa qolka isku deyay inay furaan Auto Ganish waxaana uu kala kulmay ur  sun ah  waxayn arkeen maydkii Hitler oo ay ka heleen in rasaasi ku dhacday.  Way garteen inuu is dilay laakiin waxay ku heshiin waayeen qaabka uu isu dilay. Maydka Eva Braown ayaa ka fogayn iyadoo kabsool sun ah isticmaashay laakiin iyada kum oolin wax rasaas ahi. Hilter ayay da’diisu ahayd 56 iyo 10 maalmood halka ay gabadhiisana ahayd 33 sano.

Leave a Reply