Sucuudiga iyo Xuutiyiinta oo Maxaabiis Is weydaarsadey

0
266

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ee la dagaalamaya mucaaradka Shiicada ah ee dalka Yemen ayaa sheegay inay sii daayeen 109 maxaabiis ah, kuwaasi oo lagu bedeshay 9 qof oo Sacuudiyiin ah oo la haystay.
Hadal qoraal ah oo kasoo baxay isbaheysiga ayaan lagu faahfaahin halka iyo sida lagu qabtay Sacuudiyiinta, hase yeeshee dadka Yemeniyiinta ah ayaa lagu hayey meel u dhow xuduudda Sacuudiga.
Mucaaradka Shiicada ah ee Xuutiyiinta ayaa qabsaday magaalada caasimadda ah ee Sanca bishii September ee 2014, waxaana bishii March ee 2015 ay weerar ku qaadeen magaalada Koonfureed ee Sanca, taasi oo madaxweyne Abdu Rabu Mansour Hadi ku qasabtay inuu u qaxo dalka Sacuudiga.
Sacuudiga ayaa markaa kadib ku jawaabay sameynta isbaheysi fulinaya duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta, iyo taageeero ay siinayaan ciidamada taageersan madaxweyne Hadi.
Dagaalka ka socda Yemen, oo ah dalka ugu saboolsan dalalka carabta, ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 6,000 oo qof.
 

Leave a Reply