Madaxweynaha Cusub ee Mayanmar Nus Qarni kadib

0
286

Dalka Myanmar ayaa dhaariyey madaxweynihii ugu horreeyey oo rayid ah oo dalkaas uu yeesho muddo ka badan nus qarni.
Htin Kyaw oo 70 jir ah, ayaa shalay  lagu hor dhaariyey xildhibaannada baarlamanka, isaga oo ballan qaaday inuu daacad u noqon doono dalka Myanmar.
Waxaa sidoo kale la dhaariyey labada madaxweyne ku xigeen ee dalka uu yeelan doono Myint Swe iyo Henry Van Tio.
Dhaarinta Htin Kyaw ayaa waxa ay si rasmi ah u soo geba gebeeneysaa xukun buuxa ama qeyb Milatari ah oo dalkaas uu ku jiray tan iyo sanaddii 1962-kii.
Khudbaddii uu ka jeediyey xafladda dhaarinta ayuu madaxweyna cusub waxa uu wacad ku maray inuu is-beddel ku sameyn doono dastuurka dalka, kana dhigi doono mid saldhiggiisu yahay dimoqraadiyad.
 

Leave a Reply