Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo $1,000,000 Ka Guddoomay Weftigii Reer Muqdisho

0
453

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa  (Dawan): Wefti ka socda dalka aynu dariska nahay ee  Soomaaliya oo isugu jira qeybaha bulshadda, ganacsato iyo ururadda bulshadda rayidka ah ee Muqdisho iyo culimo, ayaa shalay caawimo ay ugu tallo galeen dadka abaaraysan ee Somaliland soo gaadhsiiyay guddida  abaaraha ee jamhuuriyadda Somaliland.

Deeqdan madax-dhaqameedka iyo culimadda Soomaaliya sideen oo dhan hal milyan oo Dollar, waxa xalay kaga  guddoomay Huteelka Summer Time  ee magaaladda Hargeysa, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Guddoomiyaha Guddida abaaraha qaranka.

Xubnaha weftigaasi oo markii ay  shalay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Cigal Airport ee magaaladda Hargaysa, warbaahinta la hadlay ayaa   sheegay  in ay sidaan gar-gaar lacageed oo laagu tallo galay in ay kaga qayb qaataan gurmadka abaaraha ee Somaliland. Waxaana weftigaasi madaarka diyaaradaha Hargaysa ku soo dhaweeyay guddiga abaaraha heer qaran ee Somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, iyadoo weftigaasi la dejiyay   magaaladda Hargaysa.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland  Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo warbaainta la hadlay markii ay weftigaasi ka soo degeen garoonka diyaaradaha Hargaysa ayaa ka waramay u jeedadda socdaalka weftigaasi. Waxaanu yidhi  “Weftigan ka yimid dalka Soomaaliya ee deeqda u sida dadkeena  abaaruhu sameyeen,  waa dareen walaltinimo. Runtii   mahad balaadhan uga jeedineynaa.   Waa  walaalaheen oo inoo soo gurmaday  isla  markaana u adkaysan waayay  muuqaalada ka soo baxay warbaahinta kala duwan,  runtii waa jawaab deg deg ah oo aad u qiimo badan,  waxaananu  maanta (shalay)   halkan ku soo dhawanaynaa  dareen ka yimid guud ahaan dawlada iyo shacbiga reer Soomaaliya.”

Sheekh Axmed Cabdisalaan, oo  ku hadlayay   af-ka gudiga   abaaraha   Somaliland  ayaa tilmaamay in ay si mug iyo miisan leh u soo dhawaynayaan weftigan ka socda Soomaaliya ee caawimadda u sidda Somaliland.  Waxaanu  yidhi “Weftigan qiimaha badan leh ee halkan jooga,  dhamaantoodba culimada, ganacsatada, haweenka, waxaan ku soo dhawaynayaa  aniga oo ku hadlaya af-ka gudida abaaraha  ee heer qaran ee taakuleynta dadka abaaruhu naafeeyeen. Waxaanan ku  soo dhaweynayaa   gudida heer qaran ee walaalaheena ee  inoo yimid.”

 Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland  Maxamed Shukri,  oo ka mid ah guddiga abaaraha Somaliland oo isna halkaas hadalka soo jeediyay ayaa sheegay in ay xeer iyo dhaqan u tahay in bulshadda Soomaalidu ay isku gurmadaan marka sidan oo kale abaaruhu u dhacaan.  “Xeer iyo dhaqan-na waynu lahayn.  Waananu  idin sugaynay,  waananu idinka filaynay, sidaad nooga filayseen,  ee aad nooga sugayseen.  Waana  waajib aad gudateen, wanaanu idiinka mahadcelinaynaa”ayuu yidhi Maxamed Shugri.

 Dhinaca kale, Maxamad Xasan Xaad,  oo ah gudoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye oo  hogaaminaya weftigan ka socday  Soomaaliya  oo   madasha hadalka soo jeediyay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhaweynta balaadhan ee loo sameeyay.  Isagoo sharaxaad ka bixiyay qaybaha uu weftigaasi  isugu jirro.Waxaanu  yidhi “Waad ku mahadsan tahiin  marka hore soo dhaweynta diiran ee aad noo samayseen,  annagu 9weftiga)  waxaanu nahay sida aad la socotaan wefti saaka  9shalay) ka soo kicitimay dalka Soomaaliya,  oo isugu jira ururadda bulshadda qeybaheeda kala duwan ,  hogaanka dhaqanka,  culimo aw diinka iyo haween. Dareenkayagu  waxaa uu  u ahaa in aanu idin soo gaadhno,  waan ka tacsiyadeenaynaa in aanu idinka soo daahnay.  Laakiin,  hadana  waanu nimid,   socodkana ma noqon doono kii ugu horeeyey balse waa mid dhiig joojin ah,  waxaananu diyaar u nahay in aanu idin la qeyb sano xanuunka abaaraha idin haysta, ALLE-na   waxaan ka baryaynaa  in uu inaga soo gaadho abaaraha.”

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,  oo weftigaasi ka mid ahaa  ayaa  sheegay in ay u dam-qadeen dadka walaalahood ah ee reer Somaliland ee ay abaartu haleeshay, isla markaana bulshadda Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah.   “Dadnimadayadaa  na amraysa,  waana waajib wadaniya,  dadkuna waa isku jismi keliya.  inagoo muslimiin ah  waxaynu  nahay dad Soomaaliya oo aan la qarin Karin,  isku jidh ah,   isku dhiig ah,  ayaynu nahay.  Idinka  Soomaaliland ahaan haddii  amaantiina la wado maanta oo dhan lama dhamayn karo, sharaf iyo wax walba waxaa idiinku filan arrinkii aynu isla ogeyn ee lixdankii aydun samayseen”ayuu yidhi sheekh Gurxan.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa afar sannadood  ka hor waxay caawimo balaadhan ka geysatay gurmad lagu samato-bixinayay  dad badan oo ku dhaqan koonfurta Soomaaliya oo abaar iyo macaluul is biirsaday ku habsadeen.