“Waa In Dawladnimada La Ixtiraamo Oo Reerna Aanu Sheegan Kheyraadka La Wada Leeyahay” Ismaaciil Buubaa

0
286

By:Maxamuud Cali Walaaleeye.

Hargeysa(Dawan):- Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilanyo) kala shaqeynayo wax kastoo  danta shacabku ku jirto, isla markaana Somaliland xaq u leedahay inay madaxbanaanideeda la soo noqoto, maadaama Soomaaliya ku noqotay magacii markii Talyaanigu gumaysan jiray.

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay ixtiraamaan dawlada, ugana dambeeyaan maamulida kheyraadka dalku leeyahay, oo aanu reerna keligii gaar u sheegan.

Ismaaciil Hurre oo wareysi dhinacyo kala duwan shalay telefishanka Bulsho TV kula yeeshay Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadda laga dhiso Soomaaliya faa’iido u ahayd shacabka Soomaaliyeed iyo Somaliland, si loo helo dadwlad lala hadlo, isla markaana sannadkii 2007 markii fikrada Federaalku soo baxday uu arkay inay lagama maarmaan tahay inuu dib ugu soo noqdo Soomaaliland, waxaanu yidhi “Ictiraafka Somaliland waxaan aad u aaminsanahay inaanu la oolin Irland iyo Spain, ee ku xidhan yahay walaalaheeNna Soomaaliyeed ee lixdankii aynuisu tagnay, maantana ay lagama maarmaan tahay in qolo walba gooni isu taagto, oo sidaa laysku kaashado.

Ismaaciil Hurre ayaa sheegay in Soomaaliya ku noqotay magacii markii Talyaanigu gumaysan jiray la odhan jiray, kana guurtay magacii markii ay la midowday Somaliland la qaatay ee jamhuuriyada Soomaaliya, waxaanu yidhi “Haddii Soomaaliya ku noqotay magacii markuu Talyaanigu gumaysan jiray, oo ka guurtay magacii la qaatay markii la midoobay, Somaliland-na xaq bay u leedahay inay ku noqoto kii hore, maadama isu-tagii lagu kala tegay.”

Mar wax laga weydiiyey dhismaha xisbiyada dalka iyo aragtidiisa ayuu sheegay in weli xisbiyadu u muuqdaan inaanay dhaafin shaqsiyaadka hogaamiya, loona baahan yahay in la kobciyo.“Waxaad moodaa xisbiyadu inaanay weli shaqsi xoog u dhaafin, oo weli mabaa’dii siyaasadeed aanay ummada u soo qadimayn, balse ku ololeeyaan aragti kursiga innagu aynu qabsano, oo baddi xisbigii reernimo ka dhadhamayso,”ayuu ku dooday Mr. Buubaa.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilanyo kala shaqeynayo wax kastoo danta shacabku ku jirto, isla markaana loo baahan yahay in wax laga bedelo fikrada loogu nisbeeyo xisbiga Madaxweynaha Somaliland xisbul-xaakim, maadama doorashiisa ay shacabka Somaliland dhammaantood ka qeyb qaateen, waxaanu yidhi “Dadka Somaliland oo dhan oo xisbiyo ka soo kala jeeda ayaa doortay madaxweynaha Somaliland.”

Siyaasi Ismaaciil ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay taageero ku siiyaan xukuumadda sidii loo soo saari lahaa, loona heli lahaa maalgashi lagu sameeyo kheyraadka dalkeena ku jira waxaanu yidhi“Shirkada maalgashi doonaya hadii ay dareemaan in dhulka kheyraadku ku jiro reeraha Soomaaliyeed inay kala sheegtaan, way ma maagayaan, kuna soo dhiiran maayaan hadaan loo gacan banaanayn dawlada dhulkaa, maadama milgaha iyo sharaftu dawladnimadu ku jiro in la ixtiraamo, isla markaana aanu reerna sheegan buuro iyo kheyraad wadanku leeyahay.”

Leave a Reply