Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Kormeer Ugu Baxaya Deegaamada Abaaruhu Saameeyeen

0
444

Madaxweynuhu Wuxuu Lix Baabuur Oo Ambulance Ah Ku Wareejiyay Guddida Gurmadka Abaaraha  Qaranka

By: Cumar M.Faarax

Hargyasa (Dawan):- Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaaday tallaabo weyn oo qeyb ka ah qorshaha xukuumadiisa ee la xidhiidha samoto-bixinta dadweynaha abuuruhu tabaaleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka, waxaanu shalay Guddida abaaraha ee heer qaran ku wareejiyay lix baabuur oo ambalaas ah oo  adeeg caafimaad loogu fulinayo dadka abaarta kululi ay jilcisay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa khamiistii la soo dhaafay shaaca ka qaaday inay xaalad adag iyo gurmad gaar ah u baahan yihiin illaa 200.000 oo qoys oo abaaruhu ku habsadeen oo ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, iyadoo madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isaguna uu hore u sheegay in 20.000 oo qoys  dad lagu qadaray ay abaaruhu ku  saameeyeen gobollada Awdal iyo Salel oo ah labada gobol ee ay ku dhinteen illaa 12 qof oo caruur iyo waayeel iskugu jiray.

Madaxweynaha Somaliland waxa lagu wadaa inuu maanta u socdaalo gobollada Awdal iyo Salel, si uu indhihiisa ugu soo arko dadka tabaalaysan isla markaana uu gargaarkan caafimaad iyo waxtar kaleba gaadh siiyo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa shalay  ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas (Ambulance) ka ah.Gaadiidkan madaxweynuhu waxa uu u qoondeeyay  in lagu galo gurmadka caafimaadka ee lagu taakulaynayo dadka la legdamaya  abaaraha baahay ee dalka ka dhacay,”ayaa lagu yidhi war-murtiyeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax).

“Madaxweynaha  ayaa shacbiga ay abaartu saamaysay, Alle, uga baryey inuu ka dulqaado abaarta, raxmad khayr qabtana u shubo, waxaanu bogaadiyey hawlaha ay illaa hadda soo qabteen guddida heer qaran ee abaaruhu iyo kuwa gobollada dalkuba,”ayuu warka madaxtooyada.

Baabuurtan gurmadka lagu galayo ayaa la sheegay inay fududeysay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Madaxtooyadda. “Gaadiidkan oo ah qeybtii labaad, waxa ka horeeyey baabuur noocan oo kale ah oo dhammaa shan gaadhi kuwaasoo ay gacan ka geysatay fudaydintooda Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana mdaxweynaha kala wareegay baabuurtaasi guddida abaaraha oo uu u guddoomay sheekh Xasan Cabdisalaan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida.”

Sheekh Xasan Cabdi Salaan, oo ka hadlay madal kooban oo uu gaadiidka ambalaasyadda ku gudoomayeen, ayaa madaxweynaha Somaliland ku sifeeyay Hoggaamiye ay ka muuqato inuu dadkiisa abaaruhu taseeyeen la wadaagayo duruufaha adag ee ka dhashay saddex sanno oo roob yaraan ah iyo abaaro sababay inay le’daan xoolihii isla markaana xilligan la joogo marxaladii lagu badbaadinayo bini’aadmiga.

Qorshahan madaxweynuhu baabuurta ambalaasyada ah ku wareejiyay guddida abaaraha ayaa qeyb ka ah   barnaamij qaran oo lagu dabo-qabateynayo badbaadada Nafta bini’aadmiga. Waxa lagu wadaa in maalmaha fooda innagu soo haya ay deegaamadda Awdal iyo Salel gaadhaan hawl-wadeenno caafimaad oo adeegyo  caafimaad u qabanaya dadka abaaruhu hayaan.Iyadoo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la tashaday shirgudoonka goleyaasha baarlamaanka iyo madaxda xisbiyadu aqbaleen hindise uu u soo jeediyay toddobaadkii hore  oo muddo bil ah lagu hakiyay  diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha si loogu gacan banaanaado gurmadka abaaraha.

Waxa  guud ahaan dalka ka socda dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo la hal-maalaha gurmadka abaaraha  in la badbaadiyo muwaadiniinta abaartu jilcisay oo ay horseed u yihiin ardayda dugsiyadda,  Ganacsatadda iyo dadweynaha oo maalkooda la baxaya xukuumaduna abaabulayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here