Jasiiradda Caasimadda Bisadaha

0
360

Magaalada Ushima oo ka mid ah jasiiradaha Japan ayaa noqotay magaalo ay bisaduhu xukumaan Magaaladan ayaa la sheegay inay kaluumaysatadu ku badan yihiin sidaas darteed ay iyagu hore u keensadeen bisadaha si ay jiirka uga ilaaliyaan kaasi oo xuni jiray qalabka ay ku kaluumaystaan.

 

Bisadaha ayaa tarmay iyagoo magaaladana ay dadku ku sii yaraanayeen iyadoo 6 bisadood uu  1 hal qof  ku soo hagaagyo. Magaaladan oo ay ku noolaayeen 900 qof sanadkii 1945 ayay mudadaasi wixii ka danbeeyay dadkeedu yaaranayeen iyagoo shaqooyin ka raadsaday jasiiradaha kale.

Dugsiyadii magaalada lahayd iyo goobo badan oo muhiim ahaa ayaa wakhtigan ah kuwo ay ku nool yihiin bisadahaasi.  Magaaladan ma joogaan wax gaadiid ahi. Wiil 27 sano oo jiray oo degen magaalada ayaa sheegay inay Ushima noqotay xaruntii ay xukumayeen Bisaduhu isla maraakana uu doonayo inuu uga wareego magaalo kale oo shaqo ka raadsado. (Reuters).

Leave a Reply