Laba nin oo ka soo jeeda dalka Gaana ayaa la dhigay qeybta dadka gubtay ee isbitalka Winnipeg ee dalka Kanada, kadib markii ay ku lumen xuduudda, ayaga oo soo galaya Canada kana soo qaxay Mareykanka, sida uu baahiyey TV-ha CBC .
Labada nin oo da’doodu lagu kala sheegay 24 iyo 34 ayaa laga helay waddada 75 ee waqooyiga magaalada Letellier ee gobolka Manitoba, subaxnimadii 24-ka Desember kadib markii ay dhowr saacadood ku lugeynayeen qabowga.
Nin wada baabuur xamuul ayaa la sheegay inuu caawiyey labada nin.
Lama yaqaan sida ay xuduudda uga soo gudbeen ayaga oo aan cidna joojin, hase yeeshee markii la helay ayey u muuqdeen kuwa wareersan oo weydiinaya meesha laga helo waaxda socdaalka ee dalka kanada.
Mid ka mid ah raggaasi oo 24 jir ah ayaa salaasadii sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Kanada soo galay.
“Waxay u dhiman gaadheen qabowga” waxaa sidaas yidhi Ghezae Hagos oo ah nin caawiya dadka qaxootiga ah kana shaqeeya xarunta Welcome Place oo lagu hayo qaxootiga magaalada Winnipeg.
Hagos ayaa sheegay in 24 jirka ay u badan tahay inuu lumin doono farahiisa oo qabowga uu jaray, uuna arkay ayaga oo dhiig uu ka qubanayo.
“Ma aanu garaneyn xaaladda Kanada” ayuu yidhi.
Cimilada magaalada Emerson ee gobolka Manitoba ee xuduudda Kanada iyo Mareykanka ayaa maalinkii ka horeysay kirismiska ee 24-a Desember ahayd darajada -18 oo ay sii dheereyd dabeesha qabow, sida laga soo xigtay John Sauder oo TV-ga CBC u qaabilsan cimilada.
Labada qof ayaa la sheegay inay ka tageen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota markii ay ka dhacday Visa ay ku joogeen Mareykanka.
Dhowaanahan ayaa la sheegay inay sii kordhayeen dadka ka qaxaya Mareykanka ee gaadhaya dalka Kanada, oo ay ku jiraan dad u dhashay dalalka Ghana iyo Somaliya.
Labada nin ayaa la sheegay in iminka ay go’aan ka gaadhi doonto waaxda socdaalka Kanada.