Laascaanood (Dawan)- Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo uu wakiil ka yahay Sheekh Yaasiin Cabdullaahi ayaa hawlo biyo dhaamis ah ka bilowday deegaanada Bixcad, Lacle, Salma Gorey, Meermeer, Galmadoobe, Dhagaxdheer, Boorleey iyo Shimbiraaleey oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool.
Qorshahan biyo dhaamiska ah ayaa qeyb ka ah hawlaha gurmadka ah ee Guddiga abaaraha Somaliland, gurmadkaasi oo biyo loogu dhaaminayo dadka abaaraysan ee ku dhaqan deegaanada gobolka Sool, waxaana hawshaasi fulinaysa Hay’adda HARO.
Sheekh Yaasiin Cabdullaahi oo wakiil u ah Hay’adda HARO ee samaysay biyo dhaamiska ayaa u sheegay Warbaahinta in sagaashan booyadood oo biyo ah ay ka qeybinayaan deegaano ka tirsan Gobolka Sool, Islamarkaana shaqadaan ay bilaabeen dhawaan.
Yaasiin Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in laga soo aruuriyay dhaqaalaha biyo dhaamiska loogu sameynayo deegaano ka tirsan Gobolka Sool dadka muxsiniinta ah ee ku dhaqan Waqooyiga Mareykanka, kuwaas oo uu sheegay inay u soo wakiisheen Hay’adda HARO qeybinta deeqdaan.
Dawannews Hargeysa office