Tirada Dadka ku Dhintay Shilalka Gaadiidka Bilowga Sannadkan oo aad u Kordhay

0
328

Hargeysa (Dawan)-Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa walaac ka muujiyay tirada sii kordhaysa ee shilalka gaadiidka  ee dalka ka dhaca, waxaannu sheegay in toddobaad kasta ay shilalka gaadiidka  ku nafwaayaan  in ka badan tobon qof.

 

Sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal, waxa uu hadalkaasi ku sheegay kormeer uu isaga iyo saraakiil la socotay ay ku soo mareeen Kaantaroollada bariga iyo galbeedka caasimadda Hargeysa, kaasi oo ay ujeeddadiisu ahayd u kuur-galida xawaaraha ay ku socdaan gadiidka isaga kala gooshaya gobollada bariga iyo galbeed dalka.

 

“Kormeer ayaanu ku maraynaa Kaantaroollada magaalada, waana qorshe aanu sannadkan cusub bilownay, sida aad ka war qabtaan, dadkeennii waxaa dhammeeyey shil baabuur iyada oo qofku xilligiisa dhimmanayo, haddana taxader ayaa loo baahan yahay,”ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

Taliyaha Boolisku waxa uu dhaliilay masuuliyadda darawaliinta gaadiidka isticmaala kantaroolka galbeedka Hargeysa, kuwaasi oo uu  tilmaamay  in ay baabuurta ku kaxeeyaan xawaare aad u sarreeya, waxaannu yidhi,  “Masuliyadiinii waxay noqotay in aydaan dadka eegin, inaydsan Illaahay ka baqan oo aad sidaad doontaan u socotaan, waa hawlgal ciidanka Boolisku qaadayaan, nin walba oo boolis ah waa taraafik. toddobaadkan oo keliya waxa shilal ku dhintay toban qof waxaana ugu wacan Masuuliyad daradda dadka gaadiidka wada.”

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Togdheer, Gaashaanle dhexe Cabdi Muuse  oo ay weheliyeen saraakiisha ciidammada waddooyinka ayaa bilaabay hawl-gallo ay ku adkaynayaan amaanka iyo xawaaraha gaadiidka isticmaala waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, ka dib markii ay soo bateen shilalka gaadiidkku, kuwaasi oo ay ku naf waayeen madaxda iyo shacabka tiro-badan oo isticmaalyey jidka.

 

“Hawlgalkan waxaannu u qaadnay in aanu tallaabo ka qaadno, gaadiidka xawliga ku socda, kuwa bilaa sharciga ah iyo kuwa tayada bireegoodu duuga yahay,”ayuu yidhi Gaashaanle dhexe Cabdi Muuse oo warbaahinta kula hadlay Burco.

 

Taliyaha ciidanka waddooyinka ee gobolka Togdheer Cabdilaahi Soo-fadhiiste, ayaa isaguna si adag uga hadlay gaadiidka aan buuxin shuruudaha sharciga ah iyo kuwa  ku socda xawaaraha xawliga ah, waxaannu yidhi “Lama ogola gaadiidka turuska dheer iyo gaadiidka qaadka ee hoonka ku garaaca magaalada gudaheeda, waayo waxa jira dad xanuusanaya iyo dad dhibsanaysa. sidoo kale waxa mamnuuc ah in gaadiidka safarka ah ay ku socdaan 80km iyo wax ka yar.”

Hawlgalladan kala duwan ee ay bilaabeen ciidanka booliska Somaliland oo kaashanayaa ciidammada ilaalada  waddooyinka ee magaaloyinka Hargeysa iyo Burco, ayaa ku soo beegmaaya xilli ay todobaadkan gudihiisa shilal baabuur ku dhinteen in ka badan toban qof.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply