Hargaysa (Dawan)- Mudaneyaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay duuduub ku ansixiyay xeerka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Goleyaasha deegaanka ee xeer NO20/2001, kaasi oo Khamiistii todobaadkii hore loo soo gudbiyay kadib markii ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiilladu.
Xeerkaasi oo ah lifaaqii lixaad, isla markaana ay Golaha Wakiilladu ku soo sameeyeen kaabis iyo wax-ka bedal, xeerkaasi ayaa xambaarsan qodobo ku saabsan Hab-raaca doorashadda iyo sida ay dadka codaynayaa codkooda uga dhiibanayaan goobaha codbixinta ee ay hore isaga diiwaangeliyeen. Hase yeeshee iyadoon wax dood ah laga yeelan ayay xildhibaanadda golaha Guurtidu duuduub ku ansixiyeen.
Fadhiga shalay ee Golaha Guurtidda oo uu shir gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Md. Siciid Jaamac Cali, isla markaana ay ka soo xaadireen 51 Mudane, ayaa xildhibaanadii fadhiga joogay waxay ku kala aragti duwanaayeen ansixinta xeerkan.
Xeerkan ay Guurtidu ansixiyeen ayaa qodobkiisa 6-aad waxa uu sheegayaa ‘Waa in cod-bixiye kastaa uu ka codeeyo goobtii iska diiwaangeliyay ee uu ka qaatay kaadhka cod-bixinta’. Kaasi oo ka mid ahaa qodobbada ay sida weyn uga soo hor jeesteen xildhibaannadii diidanaa ansixintiisa.
Qodobbada ay sida weyn ugu kala qaybsameen xildhibaannadu waxaa ka mid ah, qodobka lixaad ee xeerkaasi oo tilmaamaya in qofka cod-bixiyaha ah uu ka codayn karro oo keliya goobtii uu ka qaatay kaadhka. Halka ay ku doodayeen xildhibaanadda soo jeediyay in qodobkaasi wax-ka-bedel lagu sameeyo in abaarta dalka ka jirtaa ay sababtay in dad badan oo reer guuraa ah ay ka hayaameen degaamadoodii, isla markaana aanay suurto-gal noqonaynin in ay ka codeeyaan.
Markii codka ansixinta loo qaaday xeerkaasi waxaa ogolaaday in xeerkaasi duuduub lagu ansixiyo 36 Mudane, 10 Xildhibaan ayaa ka aamusay, halka 4 xildhibaana ay diideen, guddoomiyuhu-na aanu codeynin , sidaas ayaanu xeerkaasi ku ansaxay maadaama oo aqlabiyadda mudaneyaashu ay u codeeyeen.Hase yeeshee, qaar ka mid ahaa xildhibaanadii ka soo hor jeeday in la ansixiyo xeerkaasi ayaa ku dooday in qodobo ka mid ah xeerkaasi wax ka bedal lagu sameeyo, isla markaana goluhu dood dheeraad ka yeesho.
Qodobka ay xildhibaanadda ka soo hor jeeday ansixinta xeerkaasi ay ku doodayeen in wax laga bedelo qodob ka mid ah xeerkaasi oo sheegaya ‘In qofku meesha uu joogo xilliga ay doorashadu dhacayso uu ka codeeyo’, maadaama oo ay xilligan dalka ka taagan tahay abaar baahsan, isla markaana dadka rer guuraaga ah badankoodu joogin meelihii ay hore isaga diiwaan geliyeen.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ahaa mudaneyaashii ka biyo-diiday qaabka loo ansixiyay xeerkan oo ka baxsan siduu sheegay hannaankii aqalkaasi u naaqishi jiray xeerarka ka soo gudba Golaha Wakiillada, ayaa ku dooday in xeerkaas khaladaad badani ku jiray.
Xildhibaan Dheeg, wuxuu ku eedeeyay shir-gudoonka Guurtidda in uu muddooyinkan danbe la soo baxay dhaqan ah cabudhin uu kula kaco mudaneyaasha, “Buuqa aad arkayseen wax kale ma aha, balse waxaannu diidnay cabudhiska iyo laga doodi maayo iyo wixii nuqsaan ah ee lagu arkay xeerka ayaan la sheegin, ee duuduub halagu ansixiyo sidii golaha Wakiillada lagu soo dhaafiyay. Weligaya-ba golaha Wakiillada waanu ka eegnaa shuruucda ay noo soo gudbiyaan, nussaan badan ayaannu ku aragnaa, had iyo jeeraale-na wixii aanu Guurti ahaan u gudbino Wakiillada waxay yidhaahdaan sidaa Golaha Guurtidu soo gartay aan ku ansixino.Laakiin, beryahan danbe waxaa lanala bartay in aanaan bedalin-ba wixii golaha Wakiilladu soo gartay, oo sidiisa loo daayo ayuun buu shir-gudoonkayagu nagu qasbaa. Marka uu cod geliya-na had iyo gooraale inta badan ayuu helaa,”ayuu ku dooday Xildhibaan Dheeg.
Waxaanu intaasi ku daray, “Annagu wixii nusaan ahaa ee aanu ku aragnay xeerkan waa la noo diiday in aanu ka doodno, wixii ugu waynaa ee aan anigu ku arkayna waxay ahayd, kol haddii aanu qofka codaynaa degmadii uu qofka murrashaxa ah ka dooranayay, isagu-na (cod-bixiyaha) uu ka qaatay kaadhka codbixinta aanu dhana uga bixin tuuladii uu joogay ee reerkiisu dul-yaallo, ha ka codeeyo ayaanu soo jeedinay. Waa la didiay, waxaana la yidhi ha tago magaaladii uu ka qaatay, waa la iga batay, sidaas ayaanu xeerkaasi ku ansaxay.”
“Markaa taasi waxaan u arkaa ayaan dadku codaynin, waayo sidii oo dadku wadda beeralay yahay oo nin waliba beertiisii dul-joogo, ayaa sharciga loo sameeyay, looma samaynin in aanu 75% reer guuraa nahay. Annagu waxaannu lahayn xeerkani hala waafajiyo ummadda aanu ka wakiilka nahay ee xeerkani loo samaynayo, sidii ay ku codayn lahayd hala waafajiyo, balse waa la diiday, sidaas ayaanu shir-gudoonku jeclaaday, xildhibaanadda badankoodiina gacanta u taageen, markaa sidaas haku socooAnigoo Dheeg ah, la i dooran maayo oo waxba igaga dhici maayaan, laakiin ummaddii aanu u danaynaynay, waa loo diiday sidii u danta ahayd,”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaannada Guurtida gaar ahaana mudaneyaashii u codeeyay in xeerkaasi sidiisa lagu ansixiyo, ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhawaynayaan ansixintiisa, isla markaana ay u arkaan in uu munaasib yahay.
Xildhibaan C/xakiin Cumar Faarax (Budeeye), oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha, kadib markii xeerkaasi la ansixiyay ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta uu u taageersan yahay xeerkaasi, waxaanu yidhi, “Xeerkan aanu maanta (shalay) ansixinay, anigu waxaan u arkaa in uu munaasib yahay, oo xiligii uu ku beegnaa la keenay. Golahani waa golihii Guurtidda, waana gole dhaqan, waana golihii dalka gurmadka koowaad ka qaatay.
Maadaama oo ay doorashadii soo dhawdahay, waxaa macquul noqotay kadib markii xeerkan lix jeer oo hore wax-ka-bedel lagu sameeyay, in aanu maanta golaha Guurtidda eersan, waayo golaha Guurtidu dadka waa u dhex. Waanu soo akhrinay xeerkani, shalay (doraad) ilaa xalay (habeen hore) ayaanu soo akhrinay, wax ka khalda-na maanaan arag, sidaas ayaananu ku ansixinay xeerkaasi. Waxaanan u arkaa in xeerkani uu munaasib yahay, way dhici kartaa in ay jiraan xildhibaano si khaldan u fahmay qodobkaasi.”
Dawannews Hargeysa office