Haragga Xoolaha aynu dahqano ayaa ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalka Somaliland uu leeyahay isla markaana ku dhaafa si yar oo fudud oo aan qiimo badnayn waxaanu Somaliland qiimaha isagoo haragga Xooluhu ka mid ah waxyaabaha ugu badan wax soo saarka Somaliland ee maalinlaha ah ayaan haddana sida uu yahay aan looga faa’iidaysan oo waxaa dhacda in uu dalka kaga boxo qiime aad u yar oo aan u dhigmin muhiimadda Haragga xooluhu uu leeyahay iyo waxyaabaha laga sameeyo oo qaali ka ah dunida aynu ku noollahay.
Waxaa hubaal ah in maanta caalamka ay qiibo wayn oo sare ka joogaan waxyaabaha laga sameeyo haragga la farsameeyay ee loo yaqaan Maasku waxaana ka mid ah kabaha,suumanka,shandaha koodhadhka dhaxanta lagaga gaashaanto oo inta badan lagu xidho dhulka qaboobaha ah boorsooyinka xaragada ee dumarka iyo shandadaha yaryar ee jeebabka lagu qaato.
Waxaa dhacda in Somaliland qiimaha haragga neefka adhiga ah ee dibadda loo dhoofiyo in ay ka qaalisan tahay qiime ahaan boorsada yare e jeebka lagu qaato oo suuqyada Somaliland laga siiyo lacag dhan 5 $ Dollar.halka Haragga neefka adhiga ah ee waafiga ahna la kala siisto ugu badnaan 2 Sollar.
Haddaba Haraga xoolaha oo ah waxsosaar maalinle ah oo ka soo baxa guud ahaan dalka Somaliland Malaga gaadhay xilligii aynu ka faa’iidaysan lahayn ee aynu haragga xoolaha maalgalin ku smaayn lahayd?
Waa hubaal akhtiste marka aad su,aasha akhrido in aad si deg deg ah ugu jawaabayso haa oo waa la gaadahy. Taasoo aad uga jeedo in aynu ka faa’iidaysano khayraadka aynu leenahay laakiin simaad waydiin sidaynu uga faa’iidaysanaynaa? Iyo yaa ka midho dhalin kara in haragga laga faaiidaysto? Waxaana laga yaabaa in ay markiba kugu soo dhacdo dawladdu khayraadka dalka ha inooga faa’iidayso oo haragga xoolahana wax soosaarkiisa ha ka midho dhaliso laakiin halkaa maaha halka laga rabo in ay khayraadka qaarkood wax soo saarkiisa dibadda u soo saarto oo ay ummadda uga faa’iidayso dalkana ka hir galiso shaqo abuur wax soo saar oo dad badan oo imika aan shaqo haysan ay shaqo u abuuraan waa dadka ganacsatada ah ee dibadda wax ka soo dejiya isla markaana yaqaanna oo keliya n dibadda wax laga soo dejiyo oo aan dalka munaafacaadkiisa waxsoosaar ee sida fududu looga midho dhalin karo aan ku dhiiran.
Waxay dalalka adduunku ku horumaranaa hadka sida ay maalqabeenadiisu uga faa’iideeyaan khayraadka kala duwan ee ay haystaan laakiin Somaliland waxaa la hadhay tijaartiisa oo wax kasta dibadda uga soo dhoofiya isla markaana khayraadka uu leeyahay isaga oo duuduuban dibadda u iibgeeya oo si yar oo macaash maalin ah ka door bida in ay dalka iyo dadkaba uga faa’iideeyaan.
Waxa hubaal ah maanta tijaarka dalka ka hir galiya wershad haragga Xoolaha Farsamaysa oo ka dhigta maas isla markaana wax soo saarka Maaska ka faa’iideeya oo dalka keena wershad kabaha soo saarta maaskana ka soo saara waxyaabo badan oo imikaba dibadda inooga yimaadda oo laga soo sameeyo maaska qiimaha yare e jaban inaggu dhaafay in uu isna macaash wanaagsan ka heli lahaa dalkana uu ku soo kordhin lahaa shaqo abuur wayn iyo wax soo saar balaadhan laakiin wali waxaa Somaliland dhankii horumarka ka hor taagan oo aan caqligu shaqayn tijaarta ku garaadsaday soo jejinta oo keliya iyo dhoofinta Xoolaha ee aan wali uba dhaqaaqin in ay dalka maalgashadaan.
Haddabna waxay is waydiintu tahay ma tijaarta ayaan aaminsnayan dhulkooda Somaliland oo aan in ay maalgashadaan kalsooni ku qabin mise aqoon darro,ayaa ka haysa oo waxay aaminsan yihiin in ay ku qasaraaayaan haddii ay u dhaqaaqaan in ay dalka maalgashigiisa ku dhiiradaan.
Waxaan odhan karaa tijaatu dalka way aamnsan yihiin oo waakuwa ku dhiiraday in ay dabaqyo dhaadheer oo muraayado ahba in ay ka dhistaan laakiin waxay aqoon darro ka haysaa oo keliya in ay dalka maalgashadaan laakiin waxaa lagama maaraan ah in ay ka midho dhaliyaan khayraadka sida fudud ay uga macaashi karaan isla markaana ay fududahay maalgalintoodu sida Haragga xoolaha oo la warshadeeyo isla markaana laga sameeyo waxyaabo badan oo imika lacag adag innagu jooga.
Waxaa kale oo u baahan in aynu ka faa’iidaysano Haragga xoolaha oo marka la wershadeeyo ee Maas isagoo ah la soo saaro dibadana loo dhoofin karo iyadoo ay dad badan oo reer Somaliland ahina ay ka helayaan shaqo abuur wayn isla markaana ay dalka u baaqanayso lacag badan oo imika inagaga baxda waxyaabaha haragga la wershadeeyay ee Maaska ah laga sameeyo oo ay ugu horreeyaan kabaha la xidho.
Iyadoo ay harguhu yihiin wax soo saarka ugu badan ee maalinlaha ah ee Somaliland ka soo baxa waa lagama maarmaan in la helo isha dhaqaale ee haragga cid reer Somalilad ah oo ka faa’iidaysata haddii ay tijaarta dalku ku dhooran waayaana waxaa la gudboon Xukuumadda in ay siiso cid kasta oo maalqashanaysana oo waxsoosaarka Maaska dalka ka hir galinaysa.
Somaliland maalin kasta waxaa lagu qalaa bololaal iyo boqolaal neef oo xoolo ah kuwaas oo dhammaantood haraggooda laga faa’iidaysan karo halka uu imika inaggu dhaafo isagoo shillimaad yar la kala siistay hadaba waxaa loo baahan yahay in laga midho dhaliyo munaafacaadka dihin eek u duugan haragga xoolaha oo dahaqaale ahaanna cid kasta oo maal gelisaa ay ma faa’iidayso dalkana u noqon kara ildhaqaale oo soo korodhay oo shaqo abuur wayn laga helo isla markaana dalka u baajisa lacag adag oo badan oo imika dibeadda inooga baxda.